Xog: Shabaab oo diblomaasiyiin caalami ah dil…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Al-shabaab ay qorsheynayaan weeraro lagu xasuuqo Diblumaasiyiin heer caalami ah oo shir uga qeybgali doona magaalada Nairobi.

Dowlada mareykanka ayaa sheegtay in shirkaasi uu u dhexeyn doono maanta ilaa 18 bishan December, waxa ayna Dowlada mareykanka sheegtay mudada uu shirkaasi socdo weeraro ay Al-shabaab u qorsheeysay inay ka dhex fuliyaan xarunta uu shirka ka dhici doono.

Dowlada mareykanka waxa ay sheegtay in shirkaasi ay qeyb ka ahaan doonaan diblumaasiyiin kasoo jeeda dalka mareykanka, balse loo baahan yahay in lahelo damaanad-qaad amaanka diblumaasiyiintaasi.

Warbixinta Waaxda arimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxaha weerarada ka geysta dalka Kenya ay fursad u tahay iney beegsadaan masuuliyiinta shirkaasi ka qeyb galeysa iyo iney beegsadaan dadka kale ee Kenya ku sugan.

Nuqul kamid ah qoraalka ay shaacisay dowlada mareykanka ayaa waxaa lagu yiri “Goobaha dadweynaha ay ku badan yihiin iyo shirka heer wasiir ee ururka ganacsiga duniada waxay noqon karaan kuwo ay beegsadaan kooxaha argagixisada, muwaadiniinta Mareykanka waa iney feejignaan dheeri ah sameeyaan”.

Mareykanka waxa uu sidoo kale sheegay in weerarkaasi la qorsheeyay awoodiisa loogu tallo galay in lala beegsado diblumaasiyiinta u dhashay mareykanka ee goobjooga ka ahaan doona shirka.

Warbixintaani ayaa kusoo beegmeysa xili maleeshiyada Al-shabaab ay dhaqan u noqotay fulinta weeraro lagu dhamaado oo ay ka geystaan dalka Kenya.

Dhanka kale, warbixintaani ayaa la sheegay iney soconeyso ilaa 22 December, maadaama laga baqayo iney Alshabaab beegsadaan hoteelada ku yaala magaalada Nairobi iyo goobaha ganacsiga ee dalkaasi Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com