Xog ku saabsan khasaaraha dagaalkii Somaliland iyo Jabhadda Korneyl Caarre

Ceerigaaabo (Caasimadda Online) – Wuxuu shalay dagaal culus dhex maray  Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Caarre iyo Ciidamada Maamulka Somaliland.

Dagaalkaas oo ahaa mid aan waxba la isku reeban isla markaasna ay ciidamada Somaliland soo weerareen fariisimo ay lahaayeen Jabhadaas oo ku yaal deegaanada biya gaduud iyo dhoob ee bariga gobolka Sanaag ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro xoog leh oo labada dhinac soo kala gaaray.

Sida la xaqiijiyay afar ruux oo dhinacyadii dagaallamaya ayaa ku dhintay lix kalena waa ku dhaawacantay dagaal culus oo ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caarre shalay ku dhexmaray degaanka Dhoob oo qiyaastii 45 dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Dagaalkii shalay ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminayey Col. Siciid Cawil jaamac Caarre oo ku socday buuraleyda magaalada Ceerigaabo balse xilliga la weeraray ku sugnaa degaankaasi Dhoob.

Dadka dhintay ayaa sida la sheegayo waxaa ku jira saddex askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland halka maydka hal ruuxna laga soo helay dhufays ay banneeyeen ciidanka jabadda Caarre oo iyagu difaac ku jiray maadaama ciidamada Somaliland weerarka qaadeen.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in dhaawacyada oo lix ruux gaaraya ay ku jiraan laba kamid ah jabhadda Caarre oo midkood dhaawac fudud qabay uu ka baxsaday isbitaalka magaalada Ceerigaabo iyadoo afarta kalena ay ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland.

Wararku waxay intaas ku darayaan in jabhadda caarre laga qabsaday gaari nooca dagaalka ah oo god kaga dhacay iyo saddex askari oo saarnaa.

Dhinaca kale Somaliland ayaa bandow saartay magaalada Ceerigaaabo ee xarunta gobolka Sanaag halkaasi oo ay shalay ka dhaceen muddaharaadyo looga horjeedo xukuumadda Muuse Biixi laguna taageerayo Col. Caarre.

Xaaladda Magaalada Ceerigaaabo ayaa Maanta aheyd mid dagan kadib rabshado iyo banaanbaxyo ka dhacay Magaaladaas.

Xiisadda Gobolka Sanaag ayaa mareyso meel xasaasi ah, waxaana socdo qorshooyin ay wadaan ciidamada Jabhadda Caarre.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa isku heysto deegaan ahaan cidda uu Gobolka Sanaag hoos tago waxayna labada dhinac wadaan kala jiidasho dhanka Odayaasha iyo waxgaradka deegaanada Gobolkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com