Xog: Farmaajo oo diiday in dhinac loo riixo TURKIGA (Xaqiiqda sababta uu ku diiday kulanka Muuse Biixi)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog buuxda oo ku saabsan sababtii baajisay kulan ay dowladda Itoobiya dooneysay inay isugu keento madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo lagu waday inuu ka dhaco Addis-Ababa ayaa baaqday, waxaana madaxweyne Farmaajo uu kusoo laabtay Muqdisho, kadib markii uu ku gacan seeray. Farmaajo oo mab’da ahaan aqbalay kulanka, ayaa ka hor-yimid qaabka iyo cidda mas’uulka ka ah.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yihiin ay u sheegeen Caasimada Online, qodobka ugu weyn ee Farmaajo ku diiday kulanka ayaa ah ayada oo uu dareemay in la doonayo in Turkiga oo muddo ka shaqeynayey isu soo dhoweynta labada dhinac gees loo riixo, lagana tuuro mas’uuliyadda wada-hadalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu caddeeyey inuusan waxba ka qabin in Itoobiya ay lahaato door kulmin iyo marti-qaad kaliya, balse marna uusan ogolaaneyn inay yeelato door goobjoog ahaansho iyo dhex-dhexaadin, kaasi oo Somaliland ay dooneysay.

Madaxweynaha ayaa taas u arkay mid meesha looga saarayo Turkiga oo ergey gaar ah u magacaabay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo ah safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Oglan Baker.

Farmaajo ayaa Turkiga u arka saaxiib iyo walaal wanaagsan oo dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay leeyihiin, oo aan la xumeyn karin.

Somaliland ayaa horey eregyga Turkiga ee wada-hadallada Oglan Baker ugu sheegtay inay dooneyso in beesha caalamka ay kasoo qeyb-gasho wada-hadallada, haddii kale aysan la fariisaneyn Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Somaliland ay hadda si toos ah taladeeda ugu dhiibatay dowladda Itoobiya, mana cadda in arrintan ay ku lug leeyihiin dalal kale oo ka baxsan Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu xiriir dhow la leeyahay Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxaana macquul ah inay ayaga qeyb ka yihiin qorshaha meesha looga saarayo Turkiga, ee Soomaaliya ay diiday.

“Dowladda Soomaaliya way diiday in Itoobiya ay iska soo dhacdo, oo wada-hadallo muddo Turkiga ay dadaal ku bixinayeen ay mirahiisa si fudud ku qaadato” ayuu yiri qof ku dhow arrintan oo codsaday inaan la shaacin.

Somaliland ayaa Tuirkiga xajineysa Soomaaliya iyo inaysan dhex-dhexaad ahayn, waxaana horey ergeyga wada-hadallada Oglan Baker ay uga dalbadeen in deeqaha Turkiga loo simo labada dhinac, taasi oo caawimaad ka gaysan karta in Muuse Biixi uu shacabkiisa u muujiyo in Turkiga yahay dhex-dhexaad.

Goobaha kale ee la isku soo qaaday in wada-hadallada ay ka dhacaan waxaa ka mid ah Jabuuti iyo Switzerland.

Switzerland oo ah dal nidaamka federaalka aad ugu wanaagsan ayaa caan ku ah inuu horey u dhex-dhexaadiyey dowlado iyo maamulo horey isku hayey.

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo hadda ah agaasimaha Geeska Afrika ee xarunta Centre for Humanitarian Dialogue uu muddo u kala dab qaadayey labada dhinac.

Xarunta Centre for Humanitarian Dialogue oo ka shaqeysa xalinta xasaradaha ayaa waxaa fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaan maal-geliya dowladda dalkaas.

Si kastaba, waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ku xiran tahay Turkiga, islamarkaana aysan marna ogolaaneyn in meesha laga saaro, halka Somaliland ay shaki badan ka qabto Turkiga, taasi oo wada-hadallo dhex-mara labada dhinac ka dhigaysa kuwa aysan caddeyn goorta ay dhacayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com