XOG laga bixiyey ujeedada iyo waxa ay qaban doonaan ciidamada ay DF Somalia maanta gaysay BAYDHABO

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ciidamo gaar u tababaran oo maanta la geeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ciidamadaasi oo ka badan 100 askari ayaa doorweyn ku lahaan doono xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, inta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in ciidamadaasi ay u tageen magaalada Baydhabo inay xaqiijiyaan amaanka magaaladaasi.

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada Baydhabo horeyna wey u joogeen”.

“Kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socotaan deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashadana waxaa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Sababta ciidamada loo geeyay magaalada Baydhabo ayuu ku sheegay in Al Shabaab ay doonayaan in weeraro ka geystaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, ciidamadaasina ay ka hortagi doonaan.

“Al-Shabaab waxa ay doonayaan inay falal amni darro ka geystaan deegaanada Koonfur galbeed, ciidankana waxa ay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxa ay u yimaadeen sugidda amniga”

“Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada naloo keenay oo ka shaqeynaya Nabad galyada”. ayuu hadalkiisa ku daray.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimad@live.com