Xog: Shariif Xasan oo guulo ka gaaraya cayaar siyaasadeedkiisa yaabka leh

Muqidsho (Caasimada Online) – Cayaar siyaasadeed uu Shariif Xasan ka wado magaalada Muqdisho, ayaa u muuqata inay ka hir galeyso magaalada Baydhaba, sida wararku sheegayaan.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa sheegaya in meel gabagabo ah uu soo gaaray dhismaha maamul gobaleedka Koonfur –Galbeed oo ka arrimin doona lix gobal oo ku yaal dalka Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo waxaa iminka ku qulqulaya odayaal iyo siyaasiyiin kuwaasoo doonaya si degdeg ah in loo sameeyo maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada waxaa maalmahan buux dhaafiyay dad aad u badan, gaar ahaan xarunta ADC-da oo horrey ay ugu shirijireen baarlaamaankii kumeel gaarka ee dowladdii allaha ha u naxariisto madaxweyne C//laha Yusuf Axmed.

Waxaa kaloo ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo ka badan 50-xildhibaan, wasiiro iyo siyaasiyiin kuwaasoo olole ugu jira dhismaha maamulka cusub.

Arrintan waxaa u ololeenaya oo dedaal ugu jira, dhaqaalaha ku baxayana diyaar la ah, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wax kasta kala socota magaalada Muqdisho, wararna ay sheegayaan inuu madaxweyne ka noqon doonto.

Dhowaan ayuu Shariif Xasan kusoo laabtay Muqdisho, mana doonayo inuu tago Baydhaba illaa wax walba ay isugu aadaan, sida aan xogta ku helnay.

Mid ka mid ah ergada ka qaybgalaysa shirka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono maamulka Koonfur-Galbeed.

Sida qorshaha uu yahay maamulkan ayaa ka arrimin doono gobalada, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo iyo Shabeellaha Hoose.

Si kastaba,waxaa cayaarta Shariif Xasan ay u muuqataa mid yaab leh, sababta oo ah inta badan gobollada kuma jiraan gacanta dadka iminka dhisaya maamulka, oo qaarkood waxaa maamula maamulka Jubba, qaarna dowladda Somalia, halka kuwa kale ay Shabaabku heystaan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com