Xog: Faroole oo madaxtooyada Puntland u soo raraya Boosaaso

Garowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa oo 62-cisho joogay magaalada Boosaaso ayaa dib ugu laabtay xarunta maamulkiisa ee Garoowe.

Ila lagu kal soon yahay oo ku sugan Garoowe ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online in uu madaxweynaha damacsan yahay xarunta madaxtooyada in uu ka dhigo magaala xeebeedka Boosaaso isla markaana isha dhaqaalaha Puntland.

Arrintan ayaa soo baxday markii uu Faroole halsan oo jeebkiisa ku darsaday in xafiiska sii joogo, isagoo markaas daliil uga dhiganaya dastuurka Puntland oo sheegaya inuu  shan sano uu heynayn karo xilka.

Faroole ayaa laga doonayay in uu xilka baneeyo 8-dii bishan January, laakin wuxuu sheegay in hal sano ay u dhiman tahay xilliga loo balamay.

Wixii xilligaas ka dambeeyay waxa Puntland ka dhacay khalalaaso iyo fowdo iyadoo meelaha qaar ay ka dhaceen dibadbaxyo.

Si kastaba ha ahaato,madaxweyne Faroole ayaa wuxuu arkay in uu xafiiskiisa u wareejiyo magaalada Boosaas oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Wuxuu is yiri sida la sheegay haddii gacanta looga dhigo Boosaaso oo ay ku taallo dekad wayn oo wax laga soo dajiyo in ay dhabar jab la soo darseeso.

Waxa kaloo jiray in meelo ku dhow Boosaaso ay dhowr habeen ka dhaceen dagaalo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaaladaas dhowr ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la dilay kuwa kale waa la dhaawacay, iyadoo xittaa ammaanka magaalada uu khalkhal ku yimid.

Intaas kaddib madaxweyne Faroole wuxuu xooggiisa ugu badan galiyay magaalada Boosaasoo oo ku soo daadiyay ciidamo fara badan sida ay lee yihiin dadka ku sugan Boosaaso.

Garoowe waa magaalo yer oo haddii la qabsado Boosaaso go’doon galeysa isla markaana dhowr saacadood lagu qaban karo, sidaas waxa yiri wariye diidday in macagiisa la soo xigto oo ku sugan Garoowe.

Madaxweynaha ayaa hadda inta badan u soo guuray magaalada Boosaaso, halkaasoo laga dhisay xarumo waaweyn oo maamulkiisa uu dago.

Waxa kaloo xafiisyada maamulka Puntland loo soo wareejiyay magaalada Boosaaso.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay waxana meel kasta la dhigay ciidamo fara badan oo ammaanka xoojiya.

Waxa laga cabsi qabaa in magaalada Boosaaso oo u dhow buuraha Galgala ee gobalka Bari ay ku sugan xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo halkaas u soo wareegay markii dhul badan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya laga qabsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso