Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay u ambabaxaan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo laga dareemayo qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.
Wararka ayaa sheegaya in qorshaha Madaxweynaha uu yahay inuu berri tababar usoo xiro cutubyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo lagu diyaariyay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka qayb-qaadanaya dagaalka Al-Shabaab.
Mas’uuliyiin horudhac ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan gaaray Galmudug, kuwaas oo tegay Dhuusamareeb iyo deegaanka Xananbuure oo ah meesha lagu soo xirayo tababarka ciidamada cusub ee Xoogga Dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb la kulmi doono madaxda Galmudug iyo qaybaha bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka maamulkaas oo maraya meel wanaagsan.
Safarka Xasan Sheekh ayaa dhanka kale kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana la filayo in Galmudug ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulkaas oo haatan galaangal xoogga ay ku leedahay dowladda dhexe.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa maalmihii dambeeyay wadday isku dabarid xooggan oo ku aadan arrimaha ciidamada, si loo xoojiyo awoodooda, si ay ula wareegaan amniga dalka, maadaama la qorsheynayo in dalka ay ka baxaan ciidamada shisheeye ee ku jira howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Ciidamada AUSSOM ayaa mar kale bilaabay inay wareejiyaan saldhigyadooda, waxaana ugu dambeeyay ciidamadii Itoobiya ee maalmo ka hor ka baxay saldhiggoodii degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, iyaga oo ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka.
Sababaha ugu wayn ee bixitaanka ciidamadan shisheeye ayaa waxaa soo dadajiyay dhaqaale xumada uu wajahayo howlgalkan Midowga Afrkla oo hadda wajahaya mid kamid ah caqabadihii ugu adkaa ee abid soo mara howlgalka.

