Xog: Maleeshiyaad la wareegay hub laga dajiyay Gaalkacyo iyo dagaal culus oo qarxay

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in haatan ay kacsan tahay xaaladda magaalada Gaalkacyo, kadib markii la sheegay in lagu dhacay ‘hub ay leedahay dowladda Soomaaliya’ oo laga dajiyay koonfurta magaaladaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa innoo sheegay in hubkaas oo laga dajiyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ay dhexda u galeen maleeshiyaad hubeysan, kadibna ay la wareegeen hubka qaarkiis oo gaadiid lagu raray.

Sidoo kale, waxaa goobta ka qarxay dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan, kaas oo lagu dhaawacay laba qof, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid adag.

Dagaalka oo ay qaadeen ciidamada Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay ku doonayaan inay kusoo furtaan hubka u gacan galay maleeshiyaadka, waxaana weli socda howlgalka

Hubkan oo ay dowladdu gaysay Gaalkacyo ayaa la rumaysan yahay in loo waday ciidamada taageersan Villa Soomaaliya ee ku sugan dhinaca Puntland.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, Galmudug iyo Puntland oo ku aadan xaaladda kasoo cusboonaatay Gaalkacyo iyo hubka la geeyay ee qaarkood u gacan galay maleeshiyaad kasoo jeeda isla deegaanka.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobolka Mudug ka jiray dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeday, kadib markii la sheegay in ciidamo ay ka qoratay dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la doonayo inay ka howlgalaan Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News