Xog: Maxaa ka dhaxeeya shirkada Soma Oil iyo kooxda Al-Shabab?

Nairobi (Caasimada Online) –Maamulka Shirkada Soma Oil and Gas ee Hawlaha Sahminta Shidaalka ka wada qeybo ka mid ah Xeebaha Somalia, ayaa mar kale ka hadashay eedeymaha la xiriira in xubno ka tirsan Hay’adda ay xiriir dhow la leeyihiin Al-shabaab.

Maamulka ayaa sheegay inaanu jirin eedeymaha loo jeediyay Xubnaha la sheegay inay xiriirka la leeyihiin Al-shabaab, waxa ayna sidoo kale soo dhaweeyen go’aanka ay QM ku cadeysay in xubnahaasi lagu waayay kiiska lagu eedeynaayay ee la xiriira Al-shabaabnimada.

Afhayeenka Shirkadda Soma Oil and Gas ee Hawlaha Sahminta Shidaalka ka wada qeybo ka mid ah Xeebaha Somalia, ayaa soo dhaweeyay jawaab celinta kasoo yeertay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Xayiraada Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea kuwaasi oo sheegay in Hogaamiyaha Shirkadda Som Oil and Gas ee Qaaradda Afrika, Hassan Kheyre lagu waayay danbiga loo heystay ee ah inuu xiriir dhow la leeyahay Al-shabaab.

Qoraal kooban oo lagu soo daabacay Wargeyska BuzzFeed News ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Guddiga baaritaanka loo xil saaray ay ku fashilmeen baaritaankooda.

Wargeyska BuzzFeed News waxa uu qoray in Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Xayiraada Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea uu waayay xitaa macluumaad yar oo muujin kara in Hogaamiyaha shirkadaasi u qaabilsan Africa ay wada shaqeyn kala dhexeyso Al-shabaab.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay QM sheegtay inuu jiro xiriir hoosaad ka dhexeeya Shirkada Soma Oil and Gas iyo Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com