Xog: Maxaa ka jira in Al-Shabaab ay hub kala soo degtay MARKA.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan lagu kalsooneyn oo aan ka heleyno ilo wareedyo ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay Dekadda Marka kala soo dageen saanad millitery.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Saanadaasi ay maleeshiyada ka gudoontay doonyaha yar yar nooca qaada xamuulka oo kusoo xiratay Dekadda.

Doonidaani ayaa sidoo kale la sheegay inay la socdeen ilaa 4 nin oo laba kamid ah ay kasoo jeedan dalalka carabta kuwaasi oo saanada gudoonsiiyay maleeshiyada kadibna dib ugu laabtay halka ay ka imaaden.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegay in mudada kooban oo doonidaasi ay saanada dajineysay ay isku gadaamen Dekadda iyagoo sidoo kale bandow kusoo rogay deegaanada ku dhow dhow Dekadda sida ay xogta sheegeyso.

Xogta ayaa intaa kusii dareysa in maleeshiyada ay saanada halkaasi uga rarteen ilaa Afar gaari nooca xamuulka qaada oo ay galbinayeen gaadiid dagaal oo ay maleeshiyada leedahay.

Mid kamid ah dadka ku dhow dhow Dekadda oo magacisa ka gaabsaday ayaa yiri ” Waxa nalagu amray inaan kasoo bixin aqaladeena waxaa goobaha mashquulka ah lagu soo daadiyay dagaalyahaano farabadan waxaa intaa xigtay gaadiid xamuul ah oo kasoo baxay Dekadda oo ay hogaaminayeen gaadiid dagaal”

”Hadal heynta ugu badan ayaa ah in Kooxda ay halkaasi kala soo dageen saanad millitery, mar waliba oo ay qabsadaan magaalada Marko waxa ay Dekadda kala soo degaan saanad waxa ayna noo diidaan xiliyada habeenkii xitaa inaan masaajida aadno si aan loo ogaan gaadiidka ay kusoo rartaan saanada ay lasoo degaan”

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa ”ku dhawaad shan saac ayey kooxda nasaartay culeyska kadib markii ay danahooda fusheen ayay naga dul tageen, anaguna waxaan aheyn kuwo ay cabsi lasoo deristay”

Docda kale, Maleeshiyaadka Al-shabaab oo xiriiro fog la leh Kooxaha kale ee argagixisada ayaa inta badan magaalada Marka qabsada xiliyada ay dan kasoo gasho Dekkada burbursan ee magaalada Marka, waxaana la rumeysan yahay in halkaasi ay kala soo degaan saanado millitery.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com