Maxaa kala socotaa mushaarka ISIS-ta Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan garab kamid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku biireen Xagjiriinta Daacish ayaa waxaa soo ifbaxaayo sababta ka danbeysay in garabkaasi ay ku biiran Daacish.

Garabka Al-shabaab ku biiritaankooda Daacish ayaa waxaa loo sababeeynayaa 3 arrin oo laba kamid ah ay muuqato, halka qodobka Seddexaadna aan ku helnay xog aan la kaashanay xubno iminka ka tirsan Daacishta Somalia.

Laba qodob oo kamid ah sababta ay garabkaasi ugu biiren Daacish ayaa ah dhanka Dhaqaale iyo dhan awood xagjirnimo, waxaana lasoo sheegayaa in dhaqaalaha ay qaataan Horjoogayaasha Daacishta Somalia uu yahay min $ 3,000 oo dollarka mareykanka.

Lacagaha mushaaraadka Horjoogayayaasha ayaa waxa ay xogtu sheegeysaa in loo soo mariyo shirkado xiriir dhow la leh guud ahaan Xagjiriinta Somalia oo aan munaasab ku aheyn in magacyada shirkadahaasi aan kusoo bandhigno qoraal sababo la xiriira carqalad ku imaankarta ganacsigooda.

Kooxda Daacish oo dagaal Mabda, dhaqaale iyo mid xagjirnimo kula jirto maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxa ay askarigiiba mushaar ahaan u qoondeysay mid $ 4,00, sida aan xogta ku helnay.

Hogaamiyayaasha sare ee Al-shabaab ayaa bishiiba mushaar ahaan u qaata min $ 2,000, halka dagaalyahanada u adeegeysana aysan qaadan mushaar toos ah, balse ay ku shaqeeyaan hadaf Jihaadi ah oo biyo dhiciisu yahay geeri degdeg ah.

Xagjiriinta Daacish ayaa dhaqaale ahaan ku tiirsan Dowlado ay kamid yihiin Mareykan iyo Israel, waxaana xusid mudan inay leeyihiin ceelal shidaal kuwaaso oo kheyraadka laga soo saaro loo iibgeeyo dalal dhowr ah.

Tiro ahaan Hogaamiyayaasha iyo Dagaalyahanada Daacishta Somalia ayaa dhan ilaa 270 ruux, sida aan xogta ku helnay waxaana suuragal ah in tiradaasi ay kasii badan yihiin marka la’eego qulqulka Al-shabaabka ee ku biiraaya Daacishta Somalia.

Geesta kale, Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan daaha ka rogtay in Daacish ay dooneyso sal balaarsi dhanka qaarada Africa, walow ay adag tahay in muddo kooban ay ku gaaran hadafkii ay lahaayen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com