Xog: Maxay isku-qabteen Mursal iyo xukuumadda oo keenay inuu ka horjeesto?

Baydhabo (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa go’aanka uu guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uga hor-yimid kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka, oo uu maanta dib usoo celiyey.

Mudane Mursal ayaa laalay go’aan uu ku-xigeeenkiisa Cabdiweli Muudeey uu ku kala diray guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda 28 November 2018.

Go’aanka Mursal ayaan noqon mid la-yaab leh, ayada oo Caasimada Online shalay ay qortay xog ku saabsan in ra’iisul wasaare Kheyre uu ka walaacsanaa in Mursal uu is-beddelay oo uu gacantiisa ka baxay. Halkan ka aqkhri warkaas.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa goor-dhow Caasimada Online u sheegay in arrinta ugu weyn ee Mursal ay isku qabteen xukuumadda iyo Villa Somalia ay la xiriirto doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay, Mursal ayaa soo bandhigay in si uu u taageero kala dirista guddiga, ay xukuumadda ka tanaasusho mucaaradnimadeeda ka dhanka ah Mukhaatr Roobow oo ay ka go’an tahay inuusan tartamin.

Ilo-wareedyadeedna waxay leeyihiin, guddoomiyaha baarlamanka ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle, oo ku eedeeyey inuu noqday nin lagu adeegto oo aan go’aan ka go’in, islamarkaana beesha aan matalin.

Dadka Digil iyo Mirifle wax muhiimad ah uma lahan kala dirista guddiga maaliyada, hase yeeshee Roobow ayaa la sheegay inuu haysto taageero xad-dhaaf ah, sidaas darteed Mursal ma doonayo inuu halis geliyo mustaqbalkiisa siyaasadeed isaga oo dowladda ku taageeraya dagaalka ay kula jirto Roobow.

Sida aan xogta ku helnay xukuumadda ayaa ku gacan seertay yabooha Mursal, waxaana ka go’an in laga hor-istaago Roobow inuusan galin doorashada Koonfur Galbeed, ayada oo Baydhabo lagu gurayo ciidamo arrintaas ka hor-taga. Halkan ka aqri warkaas.

Sidaas darteed ayaa la sheegay in Mursal uu qaatay go’aan ka dhan ah rabitaankii xukuumadda markii ay fulin weysay dalabkiisa ahaa in Roobow la fasaxo, waxaana la sheegay in labada dhinac ay sidaas ku kala tageen.

Ka sokow arrinta Roobow, Mursal ayaa dhinaca kale dareemay inay Sharaf-dhac ku tahay in xukuumadda ay marto ku xigeenadiisa, oo kala diray guddiga, waxaana la sheegay in haddii arrinta marka hore lagala tashan lahaa laga yaabay inuu xukuumadda ku taageero.

Mursal oo muddo lagu xaman jiray inay xukuumadda keensatay, ayaa ugu dambeyn maanta muujiyey in siyaasadda tahay “Waxaad rabto marka hore hel, kadibna go’aan gaar”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com