Xildhibaanada mucaaradka BF oo qorsheynaya inay la kulmaan Qalbi Dhagax.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ee xarunta Kenya lagu diyaarinaayo kulan khaasa oo dhexmara Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan BFS iyo Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi Dhagax.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Xildhibaanada doonaya qaabilaada Qalbi Dhagax uu horboodi doono Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha sida aadka ah uga soo horjeeda dowlada Somalia.

Xildhibaanada wehlin doona Axmed Fiqi ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa Todobo Xildhibaan oo mucaarad ah, waxaana kamid noqon doona Xildhibaan Saabir.

Mudanayaashan oo aad uga soo horjeeda dhiibista iyo xariga Qalbi Dhagax ayaa xiriir toosa iyo mid hooseba la sameeyay Madaxda ONLF ee ku sugan magaalada Nairobi si loogu cayimo wakhti ay kula kulmaan Qalbi Dhagax oo laga sugaayo magaalada Nairobi.

Xildhibaanada ayaa la xaqiijiyay in la kulanka Qalbi Dhagax ay uga faa’iideysan doonaan laba arrin midkood:

1-In Xildhibaanada mucaaradka ay Qalbi Dhagax u adeegsadan duulaan Siyaasadeedka kala dhexeeya dowlada Somalia.

2-In mucaaradka ay Qalbi Dhagax la wadaagan shirar ay naceeb ugu abuurayaan DFS, iyadoo si guud loo soo bandhigi doono muuqaal wada jir ah oo looga hali doono in DF ay ka fogaato talaabooyinka lamidka ah kan lagula kacay Sarkaalka ONLF.

Mucaaradka dowlada ayaa ahmiyad gaara u arka in xiligaan ay Siyaasadooda gaarka ah u adeegsadan qadiyada Qalbi Dhagax oo aad loo hadal hayo.

Warar hoose ayaa sheegaya in iminka Xildhibaano ku sugan magaalada Nairobi ay kulamo la yeesheen Saraakiil ka tirsan ONLF kuwaa oo kala hadlay in meel lagu xiro waxa loogu yeeray gafka ay DFS ka  gashay Qalbi Dhagax.

Sidoo kale, warbaahinta Imaaraadka Carabta ayaa aad u buun-buunineysa arrinta Qalbi Dhagax iyo qeyla dhaanta waayadan kasoo yeereysay mucaaradka Dowlada, waxa uuna arrinku u muuqdaa mid ay kaalin dhaqaale ka qaadan doonto dowlada Imaaraadka oo inta ugu badan mucaaradka dowlada ku bixisa dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, Qalbi Dhagax ayaan la ogeyn sida uu ka yeeli doono talaabada lagu doonayo in deysmadiisa loo maro dhaliilaha mucaaradka uu ku hayo dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com