Xog: Muqdisho oo 4 dowladood ay ka taliyaan iyo yaab ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayaa waxaa ka jira awoodo isdiidan oo mid waliba dooneysa in talada caasimada looga danbeeyo.

Magaalada Muqdisho aya gabaad u ah Bulsho aan is rabin hadana kala maslaxad duwan waxa ayna taasi soo dadajisay in magaalada Muqdisho ay Siyaasad ahaan u kala jabto 4 Dowladood oo mid waliba leh awood muuqata.

Dowladahaani ayaa waxa ay dhammaan ka faracmeen DFS oo iyadu lagu xanto inay tahay mid magac u yaal ah oo ay daahsatay qabyaalad iyo cadaalad darro.

Dowlada 1-aad ayaa ah Dowlada Somalia, oo magac ahaan ka talisa guud ahaan Somalia, waxaana ka hoos shaqeeya misna ka awood badan Dowladaha kala ah:

Dowlada AMISOM oo aad uga awood sareysa Dowlada Somalia ujeedka laga leeyahayna ay tahay in lagu burburiyo masiirka umadda Soomaaliyeed.

Dowlada Al-shabaab, oo iyana ka talisa qeybo kala duwan oo magaalada Muqdisho waxa ayna dharaar cad geysataa dilal, qaraxyo iyo falal kale oo lagu carqaladeynaayo awooda iyo amniga Qaranka Somalia.

Dowlada Afaraad ayaa ah Maleeshiyo beeleed oo gudaha magaalada Muqdisho wali ku leh miisaan muuqda waxa ayna geystaan dhac, boob, dilal iyo falal amni darro mana jirta cid arrimahaasi wax ka weydiiya.

Dowladahaani kala quwada badan ayaa gabi ahaan u hanqal taagaya inay dhulka galiyaan mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed waxaana guud ahaantooda sheeda sare ka ilaalsada Beesha Caalamka oo iyadu dhaqaale ku bixineysa amni darada ka taagan magaalada Muqdisho.

Haddaba Dowlada Somalia ayaa ku mashquushay howlaheeda gaarka ah waxa ayna culeyska isugu geysay dhaqaale uruursi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com