Wararkii ugu dambeeyey ololaha iyo lacag bixinta musharaxiinta oo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya inay xalay xilli dambe illaa saaka ay socotay bixinta lacagaha musharaxiinta ay siinayaan xildhibaanada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xarunta ololaha musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay noqotay halkii ugu horeysay ee lacag laga bixiyey, waxaana kadib ku xigsaday inta badan musharaxiinta kale.

Musharaxiinta ayaa bixinaya lacag u dhaxeysa 30 illaa 50 kun, ayada oo ay ku xiran tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale kusoo biiriyo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Saciid Deni aysan weli bixin wax lacag ah. Villa Somalia ayaa xalay keentay xujo cusub oo yaab leh, ayada oo xildhibaanada u sheegeysa inay lacagtooda qaataan kadibna seexdaan Villa Somalia, taasi oo ay diideen.

Villa Somalia ayaa la filayaa in in xildhibaankiiba ay siiso 100 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah. 

Dhinaca kale, machadka Sahan Reseach ayaa qoray inuu helay warbixin sirdoon oo sheegeysa in dowladda Qatar iyo Fahad Yaasiin ay si hoose u taageerayaan musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Cosoble oo wax kusoo bartay dalka Masar, islamarkaana ka tirsan urur diimeedka Islaamiga ah ee Ictisaam uu fikir ahaan aad ugu dhow yahay Qatar, uuna hadda yahay qorshahooda labaad haddii Farmaajo uu meel wanaagsan gaari waayo. 

Caasimada Online si madax banana uma xaqiijin karto xogta Sahan Resaerch. 

Haddii warbixintan Sahan ay sax tahay, waxay isbeddel weyn ku sameyneysaa loolanka doorashada, waxayna Cosoble kusoo dari kartaa xubnaha ka gudbi kara wareegga koowaad ee doorashada.

Loolanka ayaa waxaa weli ku horreeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug. 

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni, iyo Cosoble haddii ay sax tahay taageerada Qatar. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey. Waxaa sidoo kale meesha laga saari karin in la-yaab uu ka dhaco doorashada, oo xubno lama filaan ah ay soo meel fiican soo gaaraan.

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta. 

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.