Xog: Muxuu yahay ujeedka safarka Xasan Shiikh uu ku tegay Beledweyn + Sawirro

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ka socda xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka oo uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa casuumaad ka helay bulshada ku dhaqan Baladweyne ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tiran golaha fulinta ee xisbiga, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ugu jira xisbiga UPD iyo mas’uuliyiin kale.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka uu qeyb ka yahay ololaha madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inuu xaliyo wixii dhex-maray isaga iyo beelaha dega gobolka.

Labada dhinac ayaad isugu qabtay dhismihii maamulka HirShabelle, oo dowladdii Xasan Sheekh ay dhistay, waxaana Xasan uu rumeysan yahay in taageero uu ka helo beelaha gobolka oo abti u ah ay muhiim u tahay in dib loo soo doorto.