Xog: Nairobi oo wadnaha farta lagu hayo kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa galay feejignaan dheeri ah kadib markii laga warhelay weeraro laga baqayo in Alshabaab ka geystaan gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Ciidamo badan oo booliska Kenya ka tirsan ayaa la dhigay xarumaha ay dadweynaha ku kulmaan iyo kaniisado badan oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo laga baqayo iney beegsadaan Alshabaab maadaama uu soo dhow yahay sanadka cusub.

Sarkaal u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in ciidamada ku jiraan feejignaan dheeri ah, maadaama laga baqayo in Alshabaab ay waxyeelo u geystaan dadka shacabka ah iyo goobaha kaniisadaha ah ee lagu kulmo.

Iyadoo ciidamada ay sidaasi feejignaan kaga jiraan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa haddana waxaa lagu soo waramayaa in Alshabaab ay qabsanayaan deegaano ku hareereysan magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Ciidamada Alshabaab ayaa waxaa la sheegay iney qabsadeen deegaan ku yaala duleedka degmada Gaarisa, walow markii dambe ciidamada isaga baxeen deegaanka ay qabsaden.

Alshabaab ayaa sanado badan weeraro qasaaro geystay ka geystay gudaha dalka Kenya, waxaase wali la wada xasuustaa weerarkii Westgate iyo weerarkii Jaamacada magaalada Gaarisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com