Xog: Nin Itoobiyaan ah oo loo magacaabay agasimaha maamulka hawada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Muwaadin Itoobiyaan ah ayaa loo magaacabay Agaasimaha Guud Maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana ku xigeen u ah muwaadin kale oo Itoobiyaan ah sida ay ogaatay Caasimada Online.

Muwaadinkaan Itoobiyaanka ah oo ka tirsan Shaqaalaha hey’ada duulista hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO) ayaa talaadadii saxiixay qandaraas 2 sano ah oo uu ku hogaamin doono maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo mas’uuliyiin kale.

Heshiiskaan ayaa is afgaradkiisa waxaa lagu gaaray dalka Morocco ee qaaradda Afrika,  waxa uuna ninkaan saxiixay maalmo ka hor sida aan ku helnay xogtaan oo ay nala wadaageen mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Waxa uu maamuli doonaa dhamaan Duulimaadka iyo Hawada Soomaaliya isagoo qaadan doono kumanaan dollar oo mushaar ah iyo lacago kale oo gunna ah. Sidoo kale waxa uu yeelan doonaa fasax iyo xuquuqo kale oo dhanka shaqada ah.

Sidoo kale waxa uu maamuli doonaa dhamaan lacagaha laga helo duulimaadka hawada Soomaaliya ee qadka ama hawada Soomaaliya lagu kireeyo sida ay noo sheegayn dadka aan la hadalnay.

Muwaadinkaan Itoobiyaanka ah waxaa ku xigeen u ah muwaadin kale oo Itoobiyaan ah oo hore u ahaa madaxa operation-ka ee hey’adda caalamiga ah ee duulimaadka Qaramada Midoobay ee dhanka hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay laba dalab oo arintaan ku saabsan balse laga diiday markii ugu dambeysay. Xukuumadda waxay dalbatay in muwaadin Soomaaliyeed xilkaan loo magacaabo waxa uuna ahaa dalabkii 1-aad oo lagu gacan seeray halka markii 2-aad ay dalbatay in loo magacaabo muwaadin kale oo aan aheyn qof u dhashay Itoobiya iyo Soomaaliya iyadoo markii dambana laga diiday dalabkaas kale, waxaana lagu cadaadiyay in ay ogolaadaan ninkaan Itoobiyaanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com