Xog: Puntland oo ku guuleysatay soo xero gelinta ciidankii u galay DF – Maxaa socda?

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaanka Puntland ayaa ku guuleystay inuu dib usoo ceshado inta badan ciidamadii uga goostay Dowladda Federaalka, xilli ay soo idlaatay muddadii labada maalmood ahayd ee loo qabtay ciidamada iska diiwaangaliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka ayaa ciidamadan ku wargeliyay inay dib ugu soo laabtaan ciidamada Puntland, kaddib markii maamulka Puntland uu la wareegay xeryihii ciidamada PSF ee ku yaalla Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalinta Axadda lagu wado in ciidamada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale, kuwaas oo fadhigoodu yahay deegaanka Ligle ee gobolka Nugaal ay dib ugu biiraan ciidamada maamulka Puntland.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay is-afgarad dhexmaray dhinacyada, kaas oo dhigaya in ciidamadaasi dib loo diiwaangeliyo, isla markaana maamulka uu bixiyo xuquuqdooda, halka ciidamadu ay ka tanaasulayaan xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe.

Sida ay ilo xog-ogaal ah tilmaamayaan, Puntland ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay dib ula wareegto ciidamadii ka diiwaangashanaa Dowladda Federaalka ee ku sugnaa gobollada Bari iyo Mudug, iyadoo la sheegay in inta badan arrimaha la xiriira dib ugu soo laabashadooda laga gaaray is-afgarad.

Dib u soo laabashada ciidamadaasi ayaa maamulka Puntland u noqon karta fursad uu ku mideeyo awoodda ciidan ee deegaannadiisa, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ay jireen ciidamo kala duwan oo xiriir la lahaa dhinacyo kala duwan oo siyaasadeed.

Si kastaba, caqabadda ugu weyn ee hortaalla Puntland ayaa ah sidii loo maareyn lahaa xuquuqda iyo xaaladda ciidamada tirada badan ee dib loogu soo celinayo ciidamada maamulka, kuwaas oo marar kala duwan cabashooyin ka muujiyay xuquuqdooda iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.

Puntland ayaa qorsheynaysa in mustaqbalka la mideeyo ciidamada maamulka, lana sameeyo is-dhexgal ciidan, iyadoo la doonayo in meesha laga saaro awoodaha ku dhisan beelaha iyo shaqsiyaadka, lana dhiso ciidan ka amar qaata hay’adaha rasmiga ah ee maamulka.

- Advertisement -

Read more

Local News