XOG: Qaar ka mid ah beesha caalamka ayaa xal u arka in muddo kororsi loo sammeeyo….(Akhri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo wareedyo ku dhow xafiiska madaxweynaha, xafiiska RW iyo midka guddoonka baarlabaanka ayaa sheegaya in aay wadaan dadaalo qaar ka mid ah waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya in la helo xal waara iyo is aaminaad.

Caqabadaha siyaasadeed ee hadda jira ayaa waxaa ugu weyn is aamin la’aan dhextaal dhammaan dowladda federaalka ah iyo kuwa gobolada, taasoo salka ku haysa cabsi badan oo aay ka wada siman yihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhan taasoo salka ku haysa in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis aay musuqmaasuqaan doorashada 2016 si uu mar labaad xukunka ugu soo laabto.

Haddaba qaar ka mid ah waddamada beesha caalamka ayaa wado dadaalo aay rabaan in aay ku qanciyaan madaxdweynaha JFS Xasan Sheekh in uu ka tanaasulo in mar labaad dib isku soo sharaxo iyadoo arrinkan uu fududeyn doono in la is aamino lana helo qaab aan shaki ku jirin oo doorasho lagu saleeyo.

Waddamada beesha caalamka ayaa ka mideysan in aanan hal maalin xukunka loogu darin Madaxweynaha, Guddoomiya Baarlabaanka si loo yareeyo loona helo xal waara oo ku dhisan is aaminaad. Ummada Soomaaliyeed gebi ahaanteed ayaa qaba fekerka ah in aan muddo kororsi loo sameyn madaxda, balse u arka xal in baarlabaanka wakhti loogu daro si looga tanaasulo is qabqabsiga siyaasadeed ee hadda jira kaa soo laga cabsi qabo in uu keeno dagaalo beeleed cusub iyo in waddanka galo qal-qal cusub kaa soo aay ka faa’iidi doonaan oo kaliya kooxaha xag jirka ah ee Shabaab.

Waddamada qaar ayaa igana 24 saac ee ugu danbeeyay wada in si xal loo helo muddo kororsi loo sameeyo baarlabaanka oo kaliya doorashana aay saa ku dhacdo lagu soo dooranaayo guddoonka baarlabaanka iyo madaxweynaha bish Sept 2016.

Siyaasiin badan oo Caasimadda Online aay si gaar ah u wareeysatay ayaa aad ugu riyaaqay dadaaladan cusub ee hadda la wado, waxa aayna ku sifeeyeen in aay xal u noqon karaan dagaallo sokeeyo oo dib u dhaca iyo maamulada dalka ka jira aay sii kala durkaan. Waayo bey yiraahdeen haddii doorashada 2016 aanay noqon mid loo wada dhan yahay, in aay adkaan doonto in la helo xal waara oo isku soo dhaweeya ummada Soomaaliyeed ee hadda kala irdheysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com