KASHIFAAD: Xubno Khilaafsan Godane ayaa fuliyay weerarkii Westgate

Nairobi (Caasimada Online) Idaacadda VOA-da ayaa caawa sheegtay war ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa la isku haleen karo, kuwaasoo muujinaya in weerarkii Sabtidii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Wastgate ee Nairobi, ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya iyo in ay fuliyeen xubno ay is-khilaafsanaayeen Axmed Aw-Maxamuud Godane oo ah ammiirka Al-Shabaab.

Sidee wax loo sheegay?

Idaacadda VOA-da ayaa iyadoo soo xiganeysa warar ay ka heshay Al-Shabaabka gudahood waxaa ay sheegtay in weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ay ka dambeeyeen xubno xiriir la leh Al-Shabaab kuwaasoo qaar kood ka yimid waddamada Yurub iyo America.

Yaa fuliyay weerarka?

VOA-da waxa ay lee dahay , weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate waxaa fuliyay xubno xiriir la leh Al-Shabaab kuwaasoo uu khilaaf kala dhexeeyay hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane.

Muxuu ahaa khilaafka. goorme ayuuna soo if-baxay?

Khilaafka wuxuu ahaa xubnahan weerarka fuliyay ayaa ku dhaliilay hoggaamiyaha Al-Shabaab in uu ka gaabiyay caalamiyeenta howlgalada Al-Shabaab, kaasoo ku koobay Soomaaliya uun, waxaana ay doonayeen xubnahan in weeraro laga fuliyo waddamada dariska sida Kenya iyo Ethiopia.

Qorshahaas waxaa ka gaabiyay Axmed Godane, sidoo kale waxa ay ku eedeeyee hoggaamiyaha Al-Shabaab in uu u diidday dhaqaale lagu fulin lahaa weeraro ay ka geesteen waddamada Kenya iyo Ethiopia.

Waxa ay ku dacweeyeen xubnaha Al-Qaacida kuwaasoo ay u sheegeen in Axmed Godane uu baalmaray hadafkii Al-Shabaab ee ahaa in burhaantooda laga arko waddamada bariga dhexe si la mid ah kuwa Afghanistan, iyo Yemen.

Dadka ugu cad-cadaa ee weerarka fuliyay waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu soo gaabiyay Cumeyr, ninkan wuxuu ahaa ninka hoggaaminayay weerarka wuxuu ka yimid dhowr sanno ka hor dalka Finland.

Ninkan waxaa sannadkan dhexdiisa xiray hoggaamiyaha Al-Shabaab markii lagu arkay madax-adeeg iyo in uusan ku qanacsaneen qorshaha Abuu Zubair.

Waa la sii daayay wixii xilligaas isaga tiro badan oo ajaaniib ah waxa ay ahaayeen kuwa naf lacaari ah oo waxa ay ku jireen dhuumaaleysi sida ay sheegeen ilaha warkan la soo helay ee ka tirsan Al-Shabaab.

Maxay doonayeen raggan?

Raggan waxa ay doonayeen in fikrada Jihaadka aan lagu koobin Soomaaliya ee la geeyo waddamada Kenya iyo Ethiopia, dadka fikirkaas qabay waxaa ka mid ahaa Abuu Mansuur Amriiki oo dhawaan Shabaabka ay dileen.

Raggan waxaa kaloo ay doonayeen in loo aargudo saraakiil sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab waxaana ka mid ahaa Bilaal-Barjaawi  kuwaasoo dhammaan ay dishay diyaaradaha aan cidna wadin ee Drons-ka.

Saraakiisha howgalkan fuliyay in muddo ah ayey soo wadeen weerarkan, waxaana ay waayeen dhaqaale iyo taageero dhinaca Axmed Godane oo diiddanaa weerarrada noocan oo kale.

Markii howgalkan uu billowday xubnaha fuliyay waxa ay xiriir toos ah la soo sameeyeen warbaahinta Al-Shabaab si loogu xiro warbaahinta caalamka, waxaa la wareegay dhinaca warbaahinta la wareegay kooxda Axmed Godane.

Isku soo duub weerarkan waxaa la sheegay in ay guul u tahay Axmed Godane, waayo waxaa horey loogu eedeeyay in uu diiddanaa weerar laga fuliyo waddamada gobalka sida Kenya iyo Ethiopia, waxaana laga yabaa in uu ku helo taageero iyo dhaqaale ballaaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com