Xog: Sababta keentay kala-shakiga soo kala dhex galay DF iyo beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warqad 9-kii April u dirtay Golaha Ammaanka ee QM uga digtay in faro-gelin lagu sameeyo doorashada dalka ee la isku mari la’yahay.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa fargelin kasta oo dalal shisheeye, mid si toos ah loogu faragelinayo arrimaha gudaha dalka iyo ku tumasho qaraarada golaha ammaanka, heshiisyada iyo qawaaniinta dowliga ah.”

Arbacadii ayey aheyd markii dowladda federaalka ah ay sheegtay inuu fashilmay shirkii horudhaca ahaa ee Afisyooni uga socday dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyada oo eedda dusha ka saartay Puntland iyo Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in todobaadkii hore uu jiray kulan dhex maray beesha caalamka iyo xukuumadda federaalka ah kaasi uu hareeyey jawi is faham la’aan, kaasi oo la rumeysan yahay inuu ka carreysiiyey dowladda

Kulankaas ayaa xubno ka tirsan dowladda waxay beesha caalamka weydiiyeen kaalintooda, halka wakiilada beesha caalamka ku jawaabeen keliya in aanan mas’uuliyad ka saarneyn amniga hey’adaha dastuuriga ee ay sidoo kale mas’uuliyadoodu tahay in ilaaliyaan in aan dummin waxa dhisan, lana qabto cidda waxyeeleeneysa.

Waxaa muuqato in beesha caalamka ay ku daashay arrimaha doorashada Soomaaliya taasina ay keentay inuu xumaado xiriirka ay la leeyihiin Villa Somalia, ayada oo taasina ay keentay in dowladda federaalka ah ay aaddo golaha ammaanka.

Qoraalka loo diray golaha ammaanka waxaa ku xusan in amniga doorashada lagu wareejin doono xukuumadda, tilaabadan oo hal dhinac ah oo aan lagala tashan maamul goboleedyada oo dood ka qabo sida loo maareynayo amniga doorashada.

Lama oga sababta ay dowladda federaalka u doonayso iney beesha caalamka faraha kala baxdo doorashada Soomaaliya, iyada oo leh maal-gelinta doorashada, sugidda amniga iyo bixinta qoondada miisaaniyadda dowladda 40%.