XOG + Sawirro Cusub: Maxaa ka jira in Hubka lagu soo bandhigay Halgan aan laga furan Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Hubkii lagu soo bandhigay deegaanka Halgan ee laga dishay Al-shabaabkii weeraray Xerada ciidamada ethiopia aysan laheyn Shabaab.

Wararku waxa ay sheegayaan in Hubkaasi oo u badnaa ”Daba-jeexyo” ay lahaayen ciidamada ethiopia kuwaasi oo lagu camiray fagaaraha lagu soo bandhigaayay Hubka iyo Meydadka.

Hubka qaar oo ah kuwa ay isticmaalayeen ciidamada ethiopia ayaa lagu biiriyay tirro qoryo ah oo ay wateen maleeshiyaadka la dilay, waxa uuna qorshuhu ahaa mid lagu buun-buuninaayay dagaalka.

Qoryaha fagaaraha lagu soo bandhigay ayaa qaarkood la sheegay inay ku qoran yihiin lamberada Wasaarada Gaashandhiga ethiopia, sida uu sheegay Sargaal ka tirsanaa maamulka Hiiraan.

Sargaalkaani ayaa sheegay in Hubka lagu soo bandhigay goobta kala bar aysan laheyn Al-shabaab, waxa uuna cadeeyay in Al-shabaabkii weeraray xerada ay wateen kaliya ”3 Daba-jeer”

Dowlada iyo Ciidamada ethiopia ee jooga Somalia, ayaa dagaal dhanka saxaafada iyo mid dagaalba kula jira maleeshiyaadka Al-shabaab.
Hub1

Hub2

Hub3

Hub4

Hub5

Hub 6

Hub 7