25.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Xog: Shaqaalaha iyo ciidanka Puntland oo wajahaya mushaar la’aan baahsan

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland ayaa wajahaya mushaar la’aan baahsan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee dowlad-goboleedka Puntland ayaa dhamaantood wax mushaar ah qaadan in ka badan lix bilood.

Mushaar la’aanta ay wajahayaan shaqaalaha iyo ciidamada Puntland ayaa lagu tilmaamay middii ugu waqtiga dheerayd ee maamulkaasi ka dhacda tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1998-dii.

Shaqaalaha iyo ciidamada dowladda oo iyagu ku shaqeeya duruuf adag ayaa waxa waayadii dambe u raacay xuquuq la’aanta haysata, ayada oo aysan jirin cid ay cabashadooda u gudbistaan si wax loogu qabto.

Mushaar la’aanta baahsan ee ciidamada ayaa marar kala duwan keentay in ciidanka ay xirtaan waddooyin iyo bara-kantarool oo muhiim ah, kuwaas oo markii dambe lagu qanciyay inay fasaxaan isku socodka lana siin doono mushaarkooda, inkasta oo aysan dhicin middaasi.

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynayay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Kooxda Deni ayaa sidoo kale dhaqaalihii lagu socodsiinayo howlaha maamulka iyo fulinta mashaariicda horumarineed u leexsatay meel-marinta qorshaha siyaasadeed ee madaxweynaha iyo damaciisa gaarka ah, taasi oo keentay in muddo lix bilood oo xiriir ah aysan bixin wax xuquuq iyo mushaar ah.

Si kastaba, Arrintaan ayaa ah nasiib darro weyn oo maamulka ku habsatay, maadaama madaxweyne Deni iyo kooxdiisa sida la rumeysan yahay dano shaqsi ah iyo damaca muddo kororsi inta badan u isticmaalaan dhaqaalihii dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News