Xog: Talyaaniga oo qorshe halis ka wada XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Wasaarada Gaashandhiga Somalia ayaa sheegaya in Dowlada Talyaaniga ay damacsan tahay in magaalada Muqdisho ay ka hirgaliso Xarumo ciidan oo iyada u gaar ah.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Xarumahaasi ay wadaagi doonaan Sirdoonka iyo Militeriga Talyaaniga ka jooga Somalia, waxaana lasoo warinayaa in qorshahaasi uu iminka magaalada Muqdisho kawado Taliyaha Guud ee Milliteriga Talyaaniga Major General Claudio Graziono iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka dalkaasi oo socdaalka ku wehlineysa Taliyaha.

Qorshaha Claudio ayaa ku qotoma in ilaa Seddex xarun laga hirgaliyo magaalada Muqdisho oo hal kamid ah laga dhex dhisi doona Wasaarada Gaashandhiga Somalia, sida uu xogtaani ku sheegay Sargaal ka tirsan Militeriga Somalia oo goobjoog ka ahaa kulamo Claudio uu Villa Somalia kula qaatay Wasiir C/qaadir Diini.

Ujeedka Seddexdaasi xarun ayaa lagu sheegay mid lagu dhabar jabinaayo maleeshiyaadka Al-shabaab ee dagaalada kula jira DFS iyo Ciidamada midowga Afrika ka jooga Somalia.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Claudio uu magaalada Muqdisho kala soo degay agab ciidan oo la sheegay inay isticmaali doonaan Sirdoonka iyo Saraakiisha Talyaaniga ee xarumahaasi maamuli doona.

Arrintaani ayaa haddii ay suuragasho waxa ay caqabad iyo niyad jab hor leh ku noqon doontaa maleeshiyaadka Al-shabaab kuwooda jooga Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Lama oga xiliga iyo Goorta uu qorshahaani bilowan doono inkastoo Sargaalka aan xogtaani ka helnay uu carabka ku dhuftay in Qorshaha uu horay u bilowday iminka uu u baahan yahay hirgalin qura.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com