Xog: Uganda oo weeraradii Paris oo kale ay ka…

Kampala (Caasimada Online) – Hayadaha amaanka dowlada Uganda ayaa sheegay iney adkeeyeen amaanka dalka Uganda, waxii ka dambeeyay weerarkii dadka badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, habeenkii jimcada sida hayadaha ay shaaciyeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliska Uganda Fred Enanga, ayaa u sheegay wakaalada Wararka Xinhua “Shinwaa”, iney ciidamo boolis dheeri ah, kuwo meletari iyo saraakiil sirdoon u daabuleen magaalada Kampala ee dalka Uganda,garoonka diyaaradaha ee Entebbe iyo meelo kale oo Uganda kamid ah.

Wuxuu sidoo kale afhayeenka u hadlay ciidamada booliska xaqiijiyay in magaalooyin waaweyn iyo xuduudaha dalka la dhigay ciidamo badan oo ka hor taga weeraro Alshabaab ka geystaan dalkaasi, kadib weerarkii ka dhacay dalka Faransiiska.

“Ma dhici karaan weeraro la mid kuwii Paris, waxaan ciidamo dheeraad ah u dirtay goobaha dadweynaha, shacabkeena ayaana dooneynaa iney ka dhowraan weeraro kaga yimaada cadowga”ayuu yiri Afhayeenka booliska Uganda Ered Enanga.

Ku dhawaad 127 ruux ayaa ku dhimatay 200 oo kale wey ku dhaawacmeen weerarkii ka dhacay magaalada Paris habeenkii jimcada.

Uganda ayaa hanjabaado badan kala kulmay Alshabaab, waxaana ka joogo Soomaaliya inka badan 6000 oo askari kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Uganda
Caasimada@live.com