Xog: USA oo gaadiid lasiin lahaa DF u weecisay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada mareykanka ayaa gaadiid dagaal oo loogu tallo galay DFS u weecisay Dowlada Ugandha kadib markii uu sarakacay Musuq-maasuqyada lagu eedeynaayo Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Gaadiidkaasi ayaa ka koobnaa dhowr xabo waxaana loo adeegsadaa Dagaalka, kuwaasi oo aan xabadu haba yaraate karin.

Gaadiidkaasi ayaa waxaa hadda lagu wareejiyay Ciidamo gaar ah oo ay Dowlada Ugandha u diyaarineyso ka hortaga Maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaasi oo tababaro ciidan loogu soo xiray Xeradda Singo oo ku taalla Uganda.

Tababarkaasi ayaa waxaa bixinaayay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Mariniska Maraykanka oo hadda ku sugan dalka Ugandha.

Qorshaha ayaa ahaa in Gaadiidkaasi loo kala qeybiyo DFS iyo AMISOM, balse dareenka Dowlada Mareykanka ay ka qabto isdaba-marinta DFS awgeed oo Somalia ay ku weysay gaadiidkaasi.

Gaadiidkaasi ayaa la sheegay inay Hawlgalka AMISOM ka taageeri doonaan La-dagaalanka Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo khatarta ay Gaadiidka AMISOM kala kulmi jireen miinooyinka loogu aaso waddooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com