Xog: Wafdigii Mareykanka oo laba qodob kala hadlay madaxweyne FARMAAJO

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka socday dowladda Mareykanka  oo maanta ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey la-taliyayaashiisa arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Sidoo kale wafdiga culus ee ka socday Mareykanka ayaa isugu jiray xubno kala tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka iyo taliska ciidamada AFRICOM ee Qaaradda Afrika.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in wafdiga Mareykanka ay Madaxweyne Farmaajo kala hadleen arrimaha Doorashooyinka, iyo magacaabid la’aanta Ra’iisal wasaaraha oo saameyn ku yeelatay arrimaha ciidamada markii a xoogeysteen falalka magaaabidda iyo shaqo ka saarista saraakiil muhiim ahaa.

Kalsoonida Mareykanka ku qabay dib u dhiska ciidamada ayaa dib u soo laabatay markii uu howlaah ciidamada la wareegay ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, waxaana muddo 45 maalmood gudahood ah dhacday falal gaaray inuu Mareykanka qeylo dhaan ka soo saaro arrintan markii ay faragelin ku sameyeen mas’uuliyiin adeegsanaya awoodda Madaxweynaha.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saaray sidii dib u habeyn lagu sameyn lahaa taageerada Soomaaliya ee Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha caawiyo dowlad federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay fulisaa howl-gallo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.