Xog: Weerarkii ugu cuslaa oo xalay lagu qaaday guryo ay deganaayeen ciidanka iyo horjoogeyaasha Shabaab

Bu’aale (Caasimada Online) – Mid kamid ah dagaaladii ugu adkaa oo ay qaadaan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobalka Jubada Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dagaalka oo isugu jira weerar toos ah, duqayn iyo toogasho dhacday ayaa waqti isku mid ah laga fuliyay degmooyinka Jilib, Sakow, Bu’aale iyo Salagle oo kawada tirsan Jubada Dhexe.

Ciidamada howlgalka qaaday oo la aaminsan yahay in ay ku jiraan Saraakiil iyo ciidan cadaan ah ayaa diyaarad uga baxay Goballada Gedo iyo Jubada Hoose, waxaana la sheegay inuu ahaa mid aad loo soo abaabulay.

Caasimada Online oo la hadashay Saraakiil howlgalkaan hogaaminayay ayaa ogaatay Al-Shabaab halkaasi uu ka soo gaaray khasaare xoog leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed. Sidoo kale Ciidanka Howlgalka fuliyay waa Ciidan cusub oo dhowaan ka soo baxay tababar dibadda ah.

Howl galkan ayaa laga fuliyey afar xaruumood oo Al-Shabaab xaruumahooda ugu muhiim san ahaa,  kuwaas oo intooda badan laga soo abaabuli jirey weerarada xoogga badan ee ay Al-Shabaab kusoo qaadaan magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Magaalooyinka Salagle iyo Saakow ayaa lasheegey in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya dagaal foolka fool ah kula galeen kuwa Al-shabaab oo qadar daqiiqado kahor lad uqeeyey ayagoona diyaarada wadey ciidanka Kumaandooska la sheegey in ay kasoo kacdey Gobolka Gedo.

Ciidankan ayaa mudo kooban lawareegey xaafado kamid ah degmada saakow, waxayna ka fuliyeen toogasho toos ah. Sidoo kale Salagle ayaa la sheegey in ciidanka ay la wareegeen wado kasoo gasha dhanka gobolka Gedo mudo 20 daqiiqo ahna halkaa gacanta ku haayeen

Degmada Bu’aale ayaa lasheegey in la duqeeyey Gurigii Guddoomiyaha Gobollada Jubooyinka ee Al-Shabaab Sheekh Abuu Cabdalla, inkastoo la sheegay in uu xiligaas ka maqnaa guriga.

Dhanka kale, Degamada Jilib ayaa lasheegey in la duqeeyey kolonyo ciidan oo halkaasi marayey oo kusii jeedey dhanka Gobolka Shabeellaha Hoos,e waxaana la sheegey in halkaasi lagu duqeeyey tobaneeyo gaari oo ay wateen ciidamada Al-Shabaab.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka balse waxaa la xaqiijiyay in ku dhowaad 100 Al-Shabaab ah halkaasi lagu dilay. Wararka qaar ayaa tirada intaasi ka badanaya waana weerarkii ugu waqtiga dheeraa oo ka dhaca Jubada Dhexe.

Saakay waxaa maqan inta badan adeegga Isgaarsiinta ee degmooyinkii la wareeray sida ay noo sheegeen Saraakiil ku sugan Gedo iyo Kismaayo. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaan oo ay ku dhinteen Saraakiil iyo Ciidan badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com