Xog: Xafiiska KHEYRE iyo safiir Jamaaludiin oo Qalbi Dhagax ku haya cadaadis

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax lagu cadaadinayo inuu jeediyo hadal la mid ah kii uu sabtidii Muqdisho ka sheegay safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya.

Safiir Jamaaludiin Mustaf Cumar ayaa sheegay sabtidii in Qalbi-Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, oo markii hore sarkaalkan ka tirsan ONLF u gacan gelisay dowladda Ethiopia.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online sheegay in saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo Jamaaludiin ay ay ku cadaadinayaan Qalbi-Dhagax inuu sheego in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sii dayntiisa.

Ma cadda, haddii arrintan ay ku lug leedahay dowladda Ethiopia guud ahaan iyo inay ku siman tahay safiirka. Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya ayaa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaare Kheyre.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qalbi-Dhagax loo ballan-qaaday dhaqaale aan la shaacin cadadiisa.

Ilo-wareedyadeena waxa ay sheegayaan in Qalbi-Dhagax uu illaa hadda ka caga jiidayo arrintan, isaga oo aaminsan inuu ku lumin karo taageerada dadkii sida aadka ah uga gubtay dhiibistiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com