27.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Xog: Xasan Sheekh oo weji-gabax kala kulmay 9-kii beelood ee uu la shiray !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuuso-Mareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo shalaya booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa halkaa kula shiray odoyaasha dhaqanka beelaha Mudug iyo Galgaduud oo halkaa uu kulan dib u heshiisiin ah uga socday.

Odoyaasha dhaqanka 8 Beelood ee dega Goboladda dhexe ee Soomaaliya ayaa cod dheer ugu sheegay madaxweynaha inuu haatan kulankii dib u heshiisiintu marayo heer gebogebo ah ayna isla magaalada Dhuusamareeb ku blilaabi doonaan kulanka Maamul sameynta Goboladda Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweynaha oo kulanka ka sheegay in kulanka Maamul sameynta uu ka bilaaban doono magaalada Cadaado 1-da bisha March 2015 ayaa madaxdii dhaqanka 9-ka beelood ee Goboladda dhexe ee Soomaaliya ku diideen iyaga oo madaxweynaha si cad ugu sheegay in shirku ka soconayo Magaalada Dhuusamereeb ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo markii kulanku soo dhamaaday si gaar ah ugu yeertay odoyaasha dhaqanka Beesha Ceyr si uu shaki u kala geliyo beelaha 9-ka ah ee halkaa shirku uga socdo ayaa odoyaasha Dhaqanka Beesha Ceyr oo uu hogaaminayo Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur waxay Madaxweynaha la kulansiiyeen dhamaan hogaamiyayaasha dhaqanka 9-ka Beelood oo halkaa kulanku uga socdo, waxayna madaxda dhaqanka iyo siyaasadda 9-ka beelood ee dega Galgaduud iyo Mudug Madaxweynaha u sheegeen inay fikirkooda shirka meesha uu ka dhacayo ugu sheegeen shirkii weynaa ee uu la yeeshay dhamaan Beelaha Deegaanka.

Odoyaasha Beelaha Dega Mudug iyo Galgaduud ayaa madaxweynaha u sheegay inuu shirka faragelinta ka dhaafo Dawladdana ka codsaday inay taageerto go’aamada shirka kasoo baxa shirka dib u heshiisiinta hadda ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada u ah Gobolka Galgaduud Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa doonaya in shirka loo raro Magaaladda Cadaado oo ah meel aysan joogin Ciidamada AMISOM, kana mid aheyn magaalooyinka AMISOM u heysato mandate-ka iney ka hawlgalaan sidoo kalana aysan tegi karin xafiiska siyaasadda UNSOM masuuliyiinta ka socoto si uu qaab inqilaab ah ugu magacaabo Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynaha Dawladda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News