XOG: Xassan Sheekh oo laga gudbiyay dacwad Argagixisanimo

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda magaalada Muqdisho, ayaa dacwad ka dhan ah Madaxweynha dalka Xassan Sheekh Maxamuud u gudbisay Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michel Keating.

Dacwadaani ayaa la sheegay inay salka ku heyso weerarkii uu Madaxweyne Xassan Sheekh ku carqaladeeyay shirkii ka socday Hotel Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho xili halkaasi uu ka socday kulan aan caadi aheyn.

Dacwada loo gudbiyay Michel Keating, ayaa waxaa lagu qeexay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku dhaqan yahay Argagixisada Somalia, iyaga oo u daliilsanaaya amarkii ahaa in la carqaladeeyo shirka laguna war galiyo Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ku shirsan Makka Al-mukaram inuu kusoo wajahan yahay weeraro ay Al-shabaab u maleegen Hoteelka Makka.

Dacwada ayaa waxaa sidoo kale, lagu sheegay in Xassan Sheekh uu ku dhaqaaqay fal argagixiso isaga oo ka duulaaya qaabka lagu fashilin lahaa shirka ka socda Hoteel Makka.

Dacwada ayaa waxaa sidoo kale lagu daray eedeymo la xiriira in Xassan Sheekh uu ugu tallo galay in la waxyeeleeyo Odayaasha iyo Siyaasiyiinta uu shirka u socday.

Dacwada loo gudbiyay Michel Keating, ayaa waxa ay halis ku tahay DFS, waxa ayna iftiimineysaa eedeymihii hore ay Beesha Caalamka u jeediyeen Madaxweyne Xassan Sheekh, taa oo ah inay dhici karto in DFS ay xiriir hoose la leedahay Al-shabaab.

Lama oga jawaab uu Michel Keating ka bixin doono dacwada ka dhanka ah ee laga gudbiyay Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com