Xog: Xilalka Xamar oo loo bixinayo hab yaab leh oo ku cusub dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xalay Mahad Cilmi oo ka tirsan baarlamanka Galmudug u magacaabay gudodomiyaha degmada Waaberi, xilli uu maalmahan magacaabayey gudodomiyeyaal cuusb.

Magacaabistan ayaa timid laba maalin un kadib markii sidoo kale guddoomiyaha degmada Hodan ee Muqdisho loo magacaabay Cabdixakiin Dhagajuun, oo beddelay Maxamed Axmed Cantoobo.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in sidoo kale lix guddoomiye degmo oo cusub la filayo in dhowaam uu magacaabo Yariisow, ayada oo maalinba mid lagu dhawaaqayo. Magacaabista xilalkan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagu qanciyo xildibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo kaalin weyn ku lahaa ridistii guddoomiye Jawaari, iyo shaqsiyaad kale oo dowladda aad ugu dhow.

Tusaale, Mahad Cilmi, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan ayaa waxaa lagu qanciyey xildhibaan Abtidoon Yare oo isla beeshaas u dhashay, iyo xubno kale oo isaga ku beel ah, halka Dhagajuun uu keensaday nin lagu magacaabo Cali Yare, oo aan dowladda ka tirsaneyn balse ku dhow Villa Somalia. Dhagajuun iyo Cali Yare labadaba waxay kasoo jeedaan beesha Ceyr.

Sidoo kale, xubnaha kale ee la qorsheeyey in la magacaabo ayaa iyagana lagu qancin doonaa xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Ilo-wareedyo ku dhow Caasimada Online ayaa sheegaya in Yariisow uusan wax shaqo ah ku lahayn magacaabista, ayna ka socoto xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxtooyada, oo dhammaan magacyadan usoo gudbinaya gudodomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa yaab leh in dadka la magacaabay qaarkood ama kuwa la magacaabayo aysan xitaa deegaan u lahayn degmooyinka loo dhiibayo, waana calaamad kale oo muujineya habka maamul xumo ee ka jira magaalada, oo dhowaan amnigeeda uu faraha kasii baxay.

Horey waxaa u jirtay in xildhibaano iyo siyaasiyiin badan lacag baad ah ay bil walba uga qorneyd qasnadda gobolka Banaadir, haddana waxaa kusoo biiray xilal qancis ah. Waa calaamad kale oo muujineysa heerka uu gaaray musuq-maasuqa ka jira dowladda iyo gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com