Xog: Yaa dalbaday safarkii Xasan Sheekh uu shalay ku tegay Addis – Isaga mise Abiy?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online — Faahfaahin cusub ayaa kasoo baxaysa sida uu ku yimid safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Talaadadii ku tagay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in booqashada uu codsaday Abiy Ahmed, isla markaana labada dhinac ay arrinta isku afgarteen ka hor shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee toddobaadkii hore ka dhacay New York.

“Abiy ayaa codsaday safarka, madaxweynaha wuu aqbalay, balse wuxuu codsaday in laga dhigo kadib shirka guud ee QM,” ayuu yiri sarkaalku, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin maadaama uusan fasax u heysan inuu si rasmi ah uga hadlo qabanqaabada safarka.

Villa Somalia ayaa si rasmi ah u sheegtay in booqashadu ahayd mid shaqo oo hal maalin ah, ayna labada hoggaamiye ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika. Dowladda Itoobiya ayaa iyaduna sheegtay in kulanku ku saabsanaa arrimo laba geesood ah iyo kuwa gobolka.

Muhiimadda safarka?

Safarka ayaa kusoo aadaya xilli Abiy Ahmed uu wajahayo xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo culus gudaha Itoobiya.

Dagaal xooggan ayaa dib uga qarxay waqooyiga dalka, gaar ahaan deegaannada ku dhow Tigray, waxaana ciidamada dowladda iyo xoogagga la safan ay Isniintii sheegeen inay la wareegeen magaalada istaraatiijiga ah ee Alamata.

Xiisadda ayaa timid xilli toddoba kooxood oo hubeysan, oo ay ku jiraan TPLF, Oromo Liberation Army iyo Amhara Fano National Movement, ay sameysteen isbahaysi cusub oo sheegay inuu doonayo inuu meesha ka saaro xukuumadda Abiy Ahmed, islamarkaana dhiso maamul ku-meel-gaar ah.

Xuseen Cabdirisaaq, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in xaaladda gudaha Itoobiya ay muhiim tahay marka la eegayo waqtiga uu kulankan dhacay.

“Mar kasta oo Abiy Ahmed uu wajahayo cadaadis xooggan oo gudaha ah, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumaa Addis Ababa, isaga oo raadinaya wax u muuqda garab istaag,” ayuu yiri Xuseen.

“Waxaan filayaa in booqashada ay qeyb ka tahay taas, inkasta oo aysan labada dhinac sidaas u dhigin. Dhowr jeer oo horeyna waan aragnay sidan oo kale.”

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya midkoodna kulanka Talaadadii kuma xiriirin xaaladda siyaasadeed ama dagaallada gudaha Itoobiya.

Xiriir dib loo dhisay

Kulanka ayaa sidoo kale imanaya xilli Muqdisho iyo Addis Ababa ay dib u dhisayaan xiriirkooda kadib khilaafkii weynaa ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya ay Somaliland la gashay bishii Janaayo 2024.

Khilaafkaas ayaa markii dambe lagu dejiyey heshiiskii Ankara ee Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed ay gaareen bishii December 2024, kaas oo labada dhinac ku xaqiijiyeen madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalkooda, isla markaana lagu heshiiyey in laga wada xaajoodo marin ganacsi oo Itoobiya ay ku hesho badda iyadoo la dhowrayo madaxbannaanida Soomaaliya.

Kulanka Addis Ababa ee Talaadadii wax heshiis cusub ah lagama shaacin, balse xogta cusub waxay muujineysaa in booqashada ay ka dhalatay codsi hore oo uga yimid Abiy Ahmed, isla markaana waqtigeeda la isla sii qorsheeyey ka hor safarkii Xasan Sheekh ee New York.

- Advertisement -

Read more

Local News