Xog: Yaa ka mas’uul ah colaadaha ka taagan qeybo ka mida Hiiraan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusuna wal-Jameeca ayaa lagu eedeeyay inay hurinayaan colaado la sheegay inay ka taagan yihiin deegaano hoostaga Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Jeyte Cusmaan, ayaa sheegay in Ahlusuna ay hubeyneyso qaar kamid ah beelaha degan Gobolka Hiraan si aan loo helin nabad.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna wal-Jamaaca, ay colaad ka dhex hurinayaan laba beel oo wada degta Gobolka Hiiraan.

Dadka ay colaada ka dhex abuurayaan ayuu tilmaamay inay degaan deegaanada Baanyaaleey iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Matabaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhowr mar ay is hor istaag ku sameeyeen waan waan iyo gogol Nabadeed oo uu dhigay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif isla markaana dagaalada ka dhaca deegaanka Banyaleey ay mas’uul ka yihiin.

”Ahlusuna ayaa caqabad ku ah amniga iyo xasiloonida ka jirta deegaanada maamulka, waxaan qirayaa inay hubka isugu dhiibto qaar kamid ah beelaha iyadoo ka eeganeysa xasil darro ka dhacda Hiiraan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay Shacabka dega Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud in ay Nabada ka shaqeeyan isla markaana ay wada noolaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com