Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaaya Dagaal qaraaran oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal gaystay Khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in mudada uu socday leysu adeegsaday Hubka kala duwan, iyadoo markii danbe ay labada dhinac iskala baxeen deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka ay jidka u galeen kolonyo ka tirsan Gawaarida ciidanka dowladda, kuwaa soo kusoo jeeday magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Xamiir Gaab ee duleedka magaalada Buulo burde, waxaana la sheegayaa in dagaalka kadib halkaasi loogu tagay Meydadka labada dhinac iyo dhaawacyo dhowr ah.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyey in weerar gaadmo ah lagu soo qaaday Ciidamada Dowladda xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Xamiir Gaab balse waxaa ay meesha ka saareen in wax khasaare ah uu ka soo gaaray weerarkaasi.

Maamulka Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday ka hadalka Khasaaraha dagaalka, inkastoo dadka deegaanka ay sheegen inuu jiro khasaara xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com