Xogo dheeri oo kasoo baxaysa weeraro ka dhacay Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay Weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Duleedka Degmadaasi.

Weerarkan oo ka dhashay khasaaro kala duwan ayaa waxaa qaaday maleeshiyaadka Al-shabaab kaasi oo lagu qaaday Saldhig ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Degaanka Cadoow-Dibile oo dhaca Duleedka Degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.

Degmada Afgooye ayaa qiyaas ahaan 30Km dhanica Koonfureed waxey uga beegan tahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Dagaalka uu geystay khsaare soo kala gaaray labada dhinac, sidoo kalena ay ku dhinteen ilaa iyo 4 Qof oo shacab ah.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan weerarada Shabaab ay maalmihii u dambeeyay ku soo qaadayeen Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay dadka qaar ay hada bilaabeen in ay barakac sameeyaan.

Dhinaca kale, khasaaraha ugu badan ee dagaalka ayaa waxa uu soo gaaray ciidamada dowlada Somalia oo iyaga looga hormaray weerarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com