Xogta duqeyn culus oo ka dhacday duleedka Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo ay xalay diyaarado dagaal ka fuliyeen gobolka Baay, gaar ahaan agagaarka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Diyaaradaha ayaa beegsaday goobo la sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay inay weerar ku qaadaan magaalada, balse laga hortegay, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Ma cadda khasaaraha ramiga ah ee ka dhashay duqeynta ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyada oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan laga dareemayo halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan duqeynta laga fuliyay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhaba ayaa kacsaneyd, kadib weerarro ay kusoo qaadeen ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo iyagana ku sugan bannaanka magaalada oo ay ku leeyihiin fariisimo ciidan.

Weerarkan cusub ee ay qaadeen diyaaradaha dagaalka ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan maamulka Aadan Madoobe uu ku hanjabay inuu qaadayo tallaab ka dhan ah Al-Shabaab iyo ciidanka taabacsan Lafta-gareen ee ku sugan halkaasi.

Tallaabooyinka uu qaadayo maamulka Koonfur Galbeed ayaa qayb ka ah dadaaada lagu xoojinayo amniga magaalada Baydhaba iyo guud ahaan deegaannada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda ciidamada iyo ilaalinta shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News