Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahinno cusub ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii culusaa ee Arbacadii ka dhacay xerada ciidamada PSF ee duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa PSF ee xiriirka la leh dowladda federaalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof, halka 34 kalena ay ku dhaawacmeen. Tiradan waxaa ku jira dhinacyadii dagaallamay, balse weli si rasmi ah looma kala caddeyn khasaaraha mid kasta gaaray.
Sidoo kale, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad 90 askari oo ka tirsanaa PSF. Hase yeeshee, war-saxaafadeed ay booliska Puntland soo saareen ayaa tirada dadka la qabtay ku sheegay 101, halka dhaawacyada ay gacanta ku dhigeenna ay ku sheegeen 60 qof.
Kala duwanaanshaha tirooyinka ayaa muujinaya in xogta khasaaruhu ay weli is beddeleyso, mana jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya tirada kama dambaysta ah.
Dagaalka ayaa billowday aroortii hore, waxaana saacado badan labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus oo ay ku jiraan hoobiyeyaal iyo qoryaha daran-dooriga u dhaca.
Madaafiic ayaa sidoo kale ku dhacday xaafado ay deggan yihiin dad rayid ah. Ugu yaraan wiil yar ayaa ku dhintay, halka hooyadiis iyo dad kale ay dhaawacyo soo gaareen, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo warbaahinta maxalliga ah.
Gaadiid iyo hub la qabsaday
Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa markii dambe gudaha u galay xerada PSF ee ku dhow garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kaddib markii ay jebiyeen difaacyadii ciidamada halkaas ku sugnaa.
Xogta la helayo ayaa sheegaysa in Puntland ay xerada ku qabsatay 13 gaari oo Cabdi-bile ah, laba gaari oo nooca Hardtop-ka loo yaqaan iyo afar gaari oo waaweyn.
Waxaa sidoo kale jira gaadiid kale oo waxyeello iyo burbur kasoo gaaray madaafiicdii iyo rasaastii la isku weydaarsaday intii uu dagaalku socday.
Booliska Puntland ayaa sheegay in xerada laga helay hub, rasaas, dharka ciidanka booliska, kabaha ciidamada, jeebbooyinka gacmaha lagu xiro iyo qalab kale.
Maamulka ayaa ku dooday in agabka qaar uu kamid ahaa deeqo ay dowladda Shiinaha siisay Booliska Soomaaliyeed, inkasta oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin halka uu qalabkaasi kasoo galay xerada.
Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay qabatay saraakiil hoggaaminayey ciidamada xerada ku sugnaa, oo ay kamid yihiin Giijaale Cabdi Baydhabo, Baariyoow iyo ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid.
“Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si guul leh u soo gabagabeeyey hawlgal amni oo qorshaysnaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka booliska.
Puntland ayaa sheegtay in ehellada dhaawacyada loo oggolaan karo inay la wareegaan, marka laga reebo saraakiisha iyo dadka loo haysto dambiyada culus.
Ciidamo u baxsaday Galmudug
Qaar kamid ah ciidamada PSF ee ka badbaaday dagaalka ayaa la sheegay inay u gudbeen dhanka koonfurta Gaalkacyo oo ay maamusho Galmudug.
Ma cadda halka ay ciidamadaasi kaga sugan yihiin deegaannada Galmudug, mana jiro war rasmi ah oo maamulka Galmudug kasoo saaray joogitaankooda.
Ciidamada PSF ayaa horay, 27-kii Luulyo, uga baxay xarun ay ku lahaayeen waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo u guuray xaafadda Baraxley ee dhanka Galmudug, kaddib markii ciidamada Puntland ay kusoo dhowaadeen saldhiggooda.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in hoggaamiyaha ciidamada PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano, uu ku sugan yahay dhinaca Galmudug ee magaalada Gaalkacyo, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin goobtiisa.
Maxamuud Diyaano ayaa walaalo la ah taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Diyaano, oo horay isaguna madax uga soo noqday PSF.
Dowladda federaalka ayaa bishii November 2025 sheegtay in ciidamada PSF ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada qaranka, isla markaana loo billaabay bixinta mushaarkooda. Puntland ayaa tallaabadaas ku tilmaantay faragelin lagu hayo nidaamkeeda amni.
Boosaaso oo laga cabsi qabo
Dagaalka Gaalkacyo ayaa hadda indhaha kusoo jeediyey magaalada Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo ay PSF ku leedahay saldhigyo, hub iyo ciidamo badan.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa magaalada, waxaana sii kordhaya cabsi laga qabo in dagaalka Gaalkacyo uu ku fido Boosaaso.
Ciidamada Puntland iyo PSF ayaa bishii Luulyo isku horfadhiyey deegaanka Laag ee Boosaaso, halkaas oo rasaas ay labada dhinac isku weydaarsadeen ay dib usoo nooleysay xiisaddii muddada dheer ka dhex jirtay.
Boosaaso ayaa sidoo kale martigelisay dagaal culus bishii December 2021, kaddib markii Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano, balse uu Diyaano diiday inuu xilka iyo hubka wareejiyo.
Dagaalkaas ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac, waxaana ugu dambeyn lagu hakiyey dadaallo ay sameeyeen isimada dhaqanka Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa dagaalkii Gaalkacyo kaddib sheegay in Puntland aysan aqbali doonin ciidan ka amar qaata cid ka baxsan hay’adaha maamulka.
“Ciidanku waxay sameeyeen hawlgal qorshaysan oo looga hawlgalay xero ay dowladda federaalka muddooyinkii dambe kusoo daabulaysay hub iyo saanad dagaal,” ayuu yiri Deni.
“Tallaabada ay ciidamadu qaadeen waa farriin ku socota cid kasta oo ka shaqeynaysa wax kasta oo lid ku ah dowladnimada Puntland.”
Deni ayaa ciidamada kale ee xiriirka la leh dowladda federaalka ugu baaqay inay isa soo dhiibaan oo ay ku biiraan ciidamada Puntland, isagoo sheegay in maamulkiisu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo diidda awaamiirtiisa.

