Xogta raggii weeraray Banaadir Beach oo la ogaaday iyo dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli soo baxaaya xogo la xiriira qaabka maleeshiyaadka Al-shabaab ay u fuliyeen weerarkii adkaa ee lagu qaaday Maqaaxida Banaadir Beach ee magaalada Muqdisho.

Xogaha isa soo taraaya ayaa muujinaaya in maleeshiyaadka weerarkaasi fuliyay ay ahaayen muwaadiniin kasoo jeeda dalka Kenya.

Raggaani oo ka koobnaa laba dhinac oo ku takhasusay Ismiidaaminta iyo fulinta weerarada tooska ah, ayaa waxaa la xaqiijiyay in dhawaanahaani ay ku sugnaayen magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Raggaani ayaa la sheegay in muddo laba habeen ka hor ay ku damaashaadayeen Maqaaxida Banaadir Beach iyaga oo halkaasi kala laabtay Sawirro iyo xogo muujinkara inay kusoo duulaantagaan, bacdamaa ay iyagu yihiin kuwa fulin lahaa weerarka.

Maleeshiyaadkaani Kenyaanka ah ayaan weerarkaasi u fulin sidii loogu tallo galay, iyadoo sababta lagu sheegay aqoon yari ka heysatay goobaha ay ku kala sugnaayen ilaalada Maqaaxida Banaadir Beach iyo kuwa la socday mas’uuliyiinta ku sugan Maqaaxida ee xiligaasi banaanka sare fadhiyay.

Maleeshiyaadkaani oo indha xirnaa ayaa iska caabinta ugu badan kala kulmay ilaaladii la soctay Mas’uuliyiinta ka tirsan DFS ee ku qaxweynaayay gudaha Maqaaxida Banaadir Beach.

Maleeshiyaadkaani Keenyaanka ah ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay Guuto la ahaayen maleeshiyaadkii fuliyay Qaraxyadii lagu qaaday Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo iyaguna iminka la ogaaday inay ahaayen Kenyaan.

Sidoo kale, maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa dagaalyahaano Kenyaan ah u adeegsaday weerarkii lagu qaaday Hoteel Naasa-Hablood ee ku yaalla dhinaca Isgooyska km4 ee magaalada Muqdisho.

Weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhacaayay magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa fulinaayay maleeshiyaad Ajaanib ah, gaar ahaan kasoo jeeda dalka Kenya.

Tani ayaa muujineysa in maleeshiyada Al-shabaab ay waxbadan ka bedeleyso dagaalkii ay kula jirtay dowlada Somalia iyo AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com