Xogta wada-hadallo xasaasi ah oo dhexmaray Golaha Mustaqbalka iyo Farmaajo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa wada-hadallo la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo doonaya in la mideeyo awoodda mucaaradka si ay door weyn uga yeeshaan hannaanka doorashada federaalka.

Wada-hadalladan ayaa qeyb ka ah dadaallo siyaasadeed oo lagu doonayo in mucaaradka Soomaaliyeed ay yeeshaan mowqif mideysan, gaar ahaan cidda noqonaysa xubnaha ugu badan ee Guddiga Jihaynta Doorashada Federaalka.

Arrintan ayaa soo baxday kaddib dhex-dhexaadin ay sameeyeen dhinacyada beesha caalamka, taas oo la sheegay inay isku soo dhoweysay dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen mabda’a ah in dalka loo jihayno doorasho toos ah.

Sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan, waxaa hadda la isla oggol yahay in doorashada soo socota lagu qabto nidaam toos ah, iyadoo sidoo kale la doonayo in dalka uu yeesho hal guddi oo maamula doorashada, taasoo meesha ka saaraysa guddiyo kala duwan oo dhinacyadu ku murmaan.

Hase yeeshee, heshiiska guud ayaa weli waxaa hortaagan laba qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah cidda yeelanaysa awoodda ugu badan ee Guddiga Jihaynta Doorashada iyo waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada federaalka.

Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay beesha caalamka u gudbisay mowqif ah in xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ay dhankeeda yihiin, sidaas darteedna ay xaq u leedahay inay hesho aqlabiyadda xubnaha Guddiga Jihaynta Doorashada.

Mowqifkaas ayaa dhaliyay inuu Golaha Mustaqbalka dib ula xiriiro siyaasiyiin ay hore uga soo horjeedeen, gaar ahaan Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid, iyadoo hadafka ugu weyn uu yahay in la mideeyo awoodda mucaaradka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan guddiga doorashada.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya in la dhammeystiro muddada dheeriga ah ee uu siinayo dastuurka cusub, taasoo dowladda u aragto inay qeyb ka tahay qorshaha siyaasadeed iyo dastuuriga ah ee dalka.

Mucaaradka ayaa iyagu doonaya in doorashada la qabto ka hor bilowga sanadka 2027, iyagoo ka digaya in muddo dheeri ah loo sameeyo hay’adaha dowladda iyadoo aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyada oo dhan ku wada qanacsan yihiin.

Khilaafka waqtiga doorashada iyo awoodda Guddiga Jihaynta Doorashada ayaa sidaas darteed weli ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan heshiis siyaasadeed oo dhameystiran, iyadoo dadaallada beesha caalamka iyo wada-hadallada dhinacyadu ay socdaan si loo helo hannaan ay dhinacyadu si wadajir ah ugu wada qanacsan yihiin.

- Advertisement -

Read more

Local News