Xogtii ugu dambeysay ee ololaha doorashada iyo lacagta lagu iibsanayo codka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in isbeddel weyn uusan dhicin saacadihii ugu dambeeyey, taasi oo war wanaagsan u ah musharaxiintii horey ugu horeeyey loolanka. 

Arrinta yaabka leh ayaa ah in weli uusan jirin musharax bixiyey wax lacag ah, oo uu ku iibsanayo codka xildhibaanada, waxaana weli la wada sugayaa in Villa Somalia ay billowdo, si musharaxiinta kale ay uga jawaabaan, maadaama la rumeysan yahay inay bixin doonto lacagta ugu badan. 

Wararka qaar ayaa sheegaya in lacag bixinta ay billaaban karto saacadaha hore ee berri subax, gaar ahaan 5-ta illaa 6-da subaxnimo, taasi oo xildhibaano badan aysan jecleysan kuwaas oo doonaya in lacag bixinta lagu kala baxo isla caawa. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Villa Somalia laga filayo in xildhibaankiiba ay siiso 100 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyn ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah. 

Xubno ku dhow musharaxiinta qaar ayaa Caasimada Online u sheegay inay rajeynayaan in ugu yaraan ay bixiyaan 50% lacag kasta oo ay bixiso Villa Somalia, ayaga oo ku doodaya in taasi ay laba mar lacag siin karto xildhibaanada, kadibna qofka ay doonaan ay u codeyn doonaan, ayaga oo ku rajo weyn in qofkaas aanu noqon doonin Farmaajo.

Sida ay aan saaka qornay, waxaan weli wax iska beddelin inuu loolanka ku horreeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo saacadihii ugu dambeeyey ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug. 

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni, inkasta oo ay suurta-gal tahay inuu Xasan Kheyre soo ciriirsado kaalinta afaraad.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey. Waxaa sidoo kale meesha laga saari karin in la-yaab uu ka dhaco doorashada, oo xubno lama filaan ah ay soo meel fiican soo gaaraan.

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.