Xubnaha beesha caalamka oo si weyn loogu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Dhuusamaraeeb (Caasimada Online) – Xubno kala duwan oo ka socda dalalka beesha caalamka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wafdigan oo uu horkacayey ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa goor dhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Madaxa xukuumadda Galmudug, wasiirada heer federaal iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafgidan ku soo dhaweeyey halkaasi.

Xubnahan ayaa saacadaha soo socdo kulamo gaar gaar ah Dhuusamareeb kula qaadan doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug.

Kulamadaasi ayaa inta badan diirada lagu saari doonaa xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada.

Beesha caalamka ayaa horay ugu baaqday in la dhiso Galmudug oo loo dhan yahay, islamarkaana la’isku keeno dhinacyada isku haya maamulkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com