Xubno la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish iyo Al-Shabaab oo la qabtay

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo habeenadii la soo dhaafay ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ay ka wadeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgallada oo ay fuliyey ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano PSF ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi.

Taliska PSF ayaa sheegaya in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay xubo lala xiriirinayo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo weeraro ka fuliya deegaanada Puntland.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan dadka la soo qabtay.

Ugu dambeyn taliska ayaa ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan amniga, islamarkaana ay la soo wadaagaan xogaha ay hayaan, iyagoo soo wacaya 338.

Maalmihihii dambe waxaa Boosaaso ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo uu ugu dambeeyey qarax shalay gaarigiisa loogu xiray nganacsade ku sugnaa magaaladaasi.