Xubno Shabaab ah oo arrin halis ah damacsanaa oo lagu qabtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Onkien) – Ciidamada Nabadsugidda Somalia ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen xaafad ka tirsan Muqdisho waxa ay ku soo qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab, oo qorsheynayey weerar culus oo ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen koox Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorsheysan oo ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, sida ay hadalka u dhigeen.

“7-da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Nabadsugidda Somalia ma aysan shaacin degmada iyo xaafadda uu si gaar ah uga dhacay howlgalka lagu qabtay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee qorsheynayay dilalka iyo weerarada.

Hay’adda Nabadsugidda ayaa muddooyinkaan dambe Muqdisho ka waday howlgallo qorsheysan,iyaga oo shaacinayey in ay ku soo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com