XUNDUBEY oo ka laabtay qorshihi uu berri damacsanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inuu ka laabtay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa Khamiista berri ah, kaas oo horay uu u balan qaaday inuu ku soo bandhigayo waxa ay isku hayaan isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan xilkii ka qaaday Xasan Xundubey, isagoo ku bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, balse Xundubey ayaa diiday oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadidaas.

Qoraal uu galabta soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Xundubey ku shaaciyey inuu baajiyey shir jaraa’id oo uu ku soo bandhigi lahaa waxay Rooble isku hayaan, kadib markii sida uu sheegay ay lasoo xariireen waxgaradka beeshiisa.

“OGAYSIIN! Waxa aan horay u faafiyay in aan beri oo Taariikhdu tahay 16/09/21, 5:00pm aan  Muqdisho ku qaban doono SHIR-WARBAAHINEED. Haddaba, shirkaasi waa BAAQDAY. [WAAYO], waxgarad aad iigu weyn ayaa iga codsadeen in aan SHIRKAAS baajiyo. Wax-Garadkaasina waa ku mahadsanyihiin!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xundubey.

Fariintii hore ee shirkaas jaraa’id uu ku iclaamiyey ayuu ku yiri, “Galabta Khamiista ah ee soo socota, ee Taariikhdu tahay 16/09/2021, 5:00pm waxa aan Magaalada Muqdisho ku qaban doonaa I.A. SHIR-JARAA’ID, oo aan uga warbixin doono: waxyaabaha aan isku qabanay oo aan isku haysano aniga & Rooble!”

Xasan Xundubey ayaa noqday wasiirka kaliya ee illaa hadda ku baxay khilaafka siyaasadeed ee Rooble iyo Farmaajo, waxaana la sheegay in Xundubey uu si weyn ugu janjeeray dhanka Farmaajo, taas oo keentay in Rooble uu ku bedelo nin aad u naqdiya siyaasadda Farmaajo. Waa wasiirka cusub ee amiga Cabdullahi Maxamed Nuur.