Xusuustii ugu dambeysay ee Al-amriiki iyo sirtii uu ka kashifay Axmed Godane

Ka hor intaan la soo tabin dhimashadiisa todobaadkii hore, ayuu jihaadiga Maraykanka ah ee Abu Mansour al-Amriki waxa uu labadiisii farriimood ee ugu dambeeyay ku khasisay dhalleeceeynta hogaamiye sare ee al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Kadib muddo bilo ah oo uu kaymaha ku dhuumaalaysanayay, isaga oo ka baxsanaya dagaalyahannada al-Shabaab,ayuu warayski uu khadka telefoonka ku siiyay idaacadda Codka Maraykanka (VOA) 3-dii September al-Amriki waxa uu ku dhawaaqay in uu xiriirkii u jaray al-Shabaab iyo al-Qaacida.

Kadib, 5-tii September – ka hor todobaad markii ay soo bexeen wararka sheegay in al-Amriki ay dileen dagaalyahannada al-Shabaab — ayay shabakadda Rasmi News waxa ay sii daysay fiidiyoow aan taariikhaysnayn kaas oo oo ka muuqday jihaadiga oo ku haldaya af-Soomaali.

Labada farriimoodba, ayuu al-Amriki, oo sidoo kale loo yaqaan Omar Hammami, waxa uu diiradda ku saaray sida ba’an ee uu uga soo horjeedo hoggaanka Godane.

“Dhibaatada waxa sal u ah in [Godane] ka tagay mabaa’ida diinteena waxana uu isku dayayaa in uu al-Shabaab u baddalo urur cadaadiya qof kasta oo Muslim ah taas oo ah dadaal uu ku doonayo in uu ku noqdo sidii Maxamed Siyaad Barre-hii Soomaaliya,” ayuu al-Amriki ku yiri VOA markii la waydiyay waxa ay isku khilaafeen Godane, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Zubayr.

Godane waxa uu doonayaa in uu noqdo “hoggaamiyaha Soomaaliya wuxuu doonaba ha ku xukumee hadday ahaan lahayd shariicada ama shariciyada kale,” ayuu yiri al-Amriki. “Asalkaba waxa uu ka tagay dhammaan mabaadii’dii nagu kallifay in aan jihaadka u galno.”

Markii la waydiiyay sababta uu Godane u sii wado ololaha uu ku dilayo al-Amriki iyo saaxiibadii, ayuu al-Amriki ku jawaabay, “sababta oo ah waxan in igu filan ka ogahay ururkiisa anoo la socda in uu ka jeestay dhammaan mabaadii’dii Islaamka”.

“Mana uu doonayo in uu arrinkaa ay dadweynuhu ogaadaan, oo uu markaa gaaro meelo ay kamid yihiin Yemen ama Ciraaq … ama xitaa al-Qaacida – dadka uu isku dayayo in uu isku muujiyo in uu iyagoo kale yahay.”

“Waxan [sidoo kale] ka mid ahay dadka kooban ee ku sugan Soomaaliya oo uga soo horjeestay al-Shabaab qarxinta rayidka, taana waa mid kamida sababaha uu Abu Zubayr u jeclaan lahaa in aan dhinto,” ayuu yiri al-Amriki.

“Isku soo duuboo, waxaad ugu yeeri kartaa nin xukun jecel. Waxa kaliya ee uu xeeriyo waa sidii uu ku sii haysan lahaa xilkiisa iyo awoodda uu ku haysto qof walba oo isugu waca Muslim,” ayuu yiri. “Markaana haddii ay shariicadu ka hortimaado danahiisa, waa uu ka tallaabsadaa shareecada.”

Markii uu wariyihii waraystay ku cadaadiyay al-Amriki wixii uu ka damacsanyahay Godane, ayuu ku jawaabay, “Waxa kaliya ee aan sameeyn karo waa in aan bannaanka u soo saaro dhaqankiisa shaydaaniga ah.”

“Abu Zubayr waxa uu ka soo horjeedaa Qur’aanka iyo Sunnaha,” ayuu yiri.

Godane oo laga qaaday xilka amiirnimada al-Shabaab

Fiidiyoowga aan taariikhaysnayn, ayuu al-Amriki waxa uu si faahfaahsan uga hadlay sida uu Godane u diiday in uu maqlo hoggaamiyayaasha kale ee al-Shabaab xilligii kooxda xagjirka ahi ay sida degdegga ah u luminaysay dhulkii ay ka talinaysay Soomaaliya iyo xoogaggii caalamiga ahaa. Mararka qaar, codka fiidiyoowga lama fahmi karo sababtoo ah sida ay al-Amriki dhib ugu tahay luqadda Soomaaliga.

Al-Amriki waxa uu tilmaamay sida ay Golaha Shuurada Al-Shabaab iyo qaar ka mida hoggaamiyayaasha sarsare ee kooxda – sida Ibraahim al-Afghani, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo Fuad Maxamed Khalaf – ay isugu dayeen in ay la heshiiyaan Godane si loogu dadaalo in kor loo qaado sumcadda jihaadka ka socda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Zubayr al-Muhajir, madaxa guddiga dib-u-heshiisiinta, la siiyay awoodda uu shaqada uga qaadi karo Godane haddii ay ku caddaado in hoggaamiyaha al-Shabaab uu ku fashilay in uu xalliyo khilaafka kooxda.

Godane ma aannu sugin intii uu goluhu ka gaarayay go’aankee, waxa uu taa baddalkeeda uu Sheekh Macallin Burhan u doortay in uu xulo ammiirka. Burhan oo ahaa madaxa Golaha Shuurada, ayaa xukmiyay in xubnaha golaha ay si wadajir ah go’aan u qaataan.

“Abu Zubayr waa uu diiday in uu raaco awaamirta golaha, laakiin waxa uu oggolaaday in uu iska casilo hoggaanka ammiirnimada kadib muddo laba bilood ah,” ayuu yiri al-Amriki.

Laakiin Godane marna kama tanaasulin xilkiisa.

Wax yar ka dib, Godane waxa uu tirtiray golihii shuurada iyada oo garabka Amniyatka al-Shabaab, oo sidoo kale daacad u ah Godane, ay ugu hanjabeen xubnaha golaha dil iyo xabsi, sida uu sheegay al-Amriki.

Waxyaabihii uu al-Amriiki bannaanka u soo saaray ayaa waxay xaqiijiyeen oo ay is waafaqeen wixii lagu sheegay Warqaddii furneeyd ee Zubayr al-Muhaajir ee lagu soo daabacay bogga internet-ka ee ay leeyihiin Jihaadiyiinta iyo warqaddii Ibraahim al-Afghani ee soo baxda xilli hore oo isla bishaas ahaa.

Isaga oo fulinaya ballanqaadkiisii: Godane waxa uu laayay mucaaradkiisii

Al-Shabaab waxa ay si rasmi ah u qiratay in ay dishay laba ka mida hoggaamiyayaasha sarsare ee ka soo horjeestay xukunka Godane — Ibraahim al-Afghani iyio Sheikh Macallin Burhaan — kadib dagaal Baraawe ku dhex maray garabyo dirirsan oo al-Shabaab ah bishii June.

Haseyeeshee intii ay al-Shabaab isku dayaysay in ay dhismashadooda ka dhigto natiijo ka dhalatay is rasaasayn, ayay ilo wareedyo badan waxa ay sheegeen in labada nin loo kaxeeystay kaynta bannaanka Baraawe oo la dilay iyada oo aan maxkamad la saarin.

Waraysiga uu siiyay VOA-da, ayuu al-Amriki waxa uu xaqiijiyay toogashadooda.

Dhimashada al-Afghani iyo Burhan “wax shaqo ah kuma laha Islaamka, waxana kaliya oo loo dilay in dhidibbada loogu sii aaso xilka Abu Zubayr si uu u sii ahaado hoggaamiyaha wixii dhul ah ee wali ku sii haray xukunkiisa”, ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in maydkoodii lagu aasay meel aan la sheegin si loo qariyo wixii ay sameeyeen Godane iyo kuwa daacadda ah.

Isaga oo ka walwalsan xaaladda uu ku sugan yahay hoggaamiyaha al-Shabaab Mukhtaar Rooboow Cali, ayuu al-Amriki sheegay “in uu ruuxiisu xilligan ku jiro kaynta oo uu maalin walba halis ugu jiro khatarta ah in ay disho al-Shabaab sababta oo ah sida uu uga soo horjeedo dilka rayidka”.

“Laakiin xilligan kuma uu talo-jiro iin uu wax tallaabo ah ka qaado [Godane] aan ka ahayn in uu ku sii jiro kaynta,” ayuu yiri al-Amriki, oo intaa raaciyay in Rooboow uu ka baqayay in al-Shabaab ay dhagaysanayso taleefankiisa.

Al-Amriiki dhab ahaantii miyuu dhintay?

Inkasta oo ay caddeeymuhu illaa in lagu qano muujinayaan in, dhab ahaantii, al-Amriki ay dileen dagaalyahannada al-Shabaab, haddana tan maaha markii ugu horreeysay ee la soo tabiyay dhimashadiisa.

Dhimashada al-Amriki waxa la soo sheegay dhowr marxaladood labadii sano ee la soo dhaafay. Bishii March 2012-kii,ayuu al-Amriki sheegay in uu naftiisa uga baqayo hoggaamiyayal kale oo al-Shabaab ah khilaafyo dhinaca fikirka ah dartood, dabadeedna warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay bishii April.

Wararka ayaa xilligaa kadib beenoobay iyada oo al-Amriki uu ka soo muuqday dhowr fiidiyoow oo internet-ka la soo galiyay iyo sidoo kale warbaahinta bulshada illaa iyo May 2013-kii, markii ay warar sheegaya in uu ku dhintay ganacta al-Shabaab ay mar kale soo baxeen.

Hase yeeshee al-Amriki waxa uu markale ka soo baxay waraysigii VOA-da ee biloowgii bishan iyo isaga oo si kooban ugu soo noqday farriimihii Twitter-ka.

Si kastaba ha ahaatee, hadal-haytii ugu dambeeysay ee dhimashada al-Amriki ayaa u muuqata mid dhab ah, sababta ah wararkii hore ayaa soo xiganayay shakhsiyaad si fiican u yiqiin al-Amriki, iyada oo bartiisii Twitter-kana 15-kii September lagu soo qoray farriin oranaysa “Waxan xaqiijinaynaa in uu shahiiday Omar Hammami aroornimadii Khamiistii 12-kii September 2013. Qosyka Shafiki, fadlan aqabala tacsideena.”

Marar ka mida labadii sano ee la soo dhaafay, ayay u muuqatay in dad dhowr ah ay wadaagaan barta uu al-Amriki ku leeyahay Twitter-ka sababta oo ah hannaanka xirfadeed ee luqadda Ingiriiska ayay farriimuhu ku kala duwanaayeen. Xaqiiqdaas ayaa taageeraysa aragtida ah in mid ka mida saaxiibadii laga yaabo in uu soo qoray farriintii ugu dambaysay ee Twitter-ka.

Ugu dambayntii, ayaa hadalladii ugu dambeeyay ee al-Amriki — marka laga soo qaado in uu dhab ahaantii dhintay – waxa ay ka dhigan yahiin in, ka sokoow in uu xiriirka u jaray al-Shabaab iyo al-Qaacida, uu jihaadiga 29-ka jirka ahaa si kama dambays ah u gooyay xiriirkii uu la lahaa Maraykanka isaga oo aanan marnaba ku soo noqonayan halkii uu ku dhashay.

Markii uu wariygii VOA-da waydiiyay al-Amriki in uu soo booqan doono qoyskiisa Maraykanka, ayuu ku jawaabay, “Taasi in ay kaliya dhinci karto isaga oo ku jira bacda maydka lagu qaado.”

Isha: Sabahi Online