Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ka fiirsaneysa inay lacago ku soo rogto maraakiibta ganacsiga ee maraya koonfurta Badda Cas, toddobaad kaddib markii ay ku dhawaaqday xannibaad badeed ka dhan ah Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo gobolka ah oo arrintan xog-ogaal u ah.
Qorshahan ayaa diiradda lagu saarayaa inta badan maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka ciriiriga ah ee Bab al-Mandab, kaas oo isku xira koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga iyo tamarta caalamka.
Ilo-wareedyada ma aysan sheegin xilliga qorshahan la hirgelin karo, halka xafiiska warbaahinta Xuutiyiinta uusan ka jawaabin codsi ku saabsan inuu faallo ka bixiyo arrintan.
Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran ayaa 20-kii July ku dhawaaqay xannibaad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya, iyaga oo ballaariyay weerarradooda ka dhanka ah maraakiibta shidaalka iyo kuwa sida badeecadaha kale ee caalamiga ah.
Tallaabadan ayaa loo arkaa furin cusub oo ay Xuutiyiintu ka fureen dagaalka Iran ay kula jirto Mareykanka iyo xulafadiisa, iyadoo isku dhacyada iyo weerarrada maraakiibta ay hadda ku sii fidayaan biyaha ka baxsan Gacanka.
Qorshe Tehran laga keenay
Mas’uuliyiin ka tirsan Xuutiyiinta ayaa bishan July u safray Iran, si ay uga qeyb-galaan munaasabaddii aaska hoggaamiyihii sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.
Intii ay joogeen Tehran, mas’uuliyiin Iranian ah ayaa kala hadlay suurta-galnimada in lacago laga qaado maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Bab al-Mandab, sida ay sheegeen laba mas’uul oo gobolka ah oo Iran ay warbixin siisay.
Ilo-wareedyada ayaa sheegay in ujeeddada qorshahan ay tahay in caadi laga dhigo lacagaha laga qaado maraakiibta isticmaasha marinnada biyaha caalamiga ah, isla markaana cadaadis dheeraad ah la saaro Mareykanka.
Maraakiibta Shiinaha ayaa la filayaa in laga dhaafo lacagahaas, iyadoo Xuutiyiintu ay taageereen heshiiska noocaas ah, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Shiinaha ayaa horey wada-hadallo toos ah ula yeeshay Xuutiyiinta, si maraakiibtiisa shidaalka loogu oggolaado inay maraan koonfurta Badda Cas iyaga oo aan la weerarin. Beijing waa dalka ugu badan ee iibsada shidaalka Sacuudi Carabiya.
Mas’uuliyiintii Xuutiyiinta ee Tehran kasoo laabtay ayaa waxaa diyaaradda lasoo raacay la-taliyeyaal Iranian ah, kuwaas oo Yemen u tagay inay gacan ka geystaan dhismaha hay’ad maamuli karta lacagaha laga qaadayo maraakiibta Bab al-Mandab, sida uu sheegay mas’uul Carbeed oo gobolka ka tirsan.
“Xuutiyiintu waxay isku dayi doonaan inay gacanta ku dhigaan Badda Cas, waxaana ay isku dayi doonaan inay maraakiibta lacag ka qaadaan haddii ay awoodaan,” ayay tiri Afrah al-Zouba, oo ah wasiirka arrimaha dibadda loo magacaabay ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.
Mucaaradad xooggan
Qorshahan ayaa la filayaa inuu wajahayo mucaaradad xooggan oo uga timaadda dalalka Khaliijka iyo kuwa Yurub.
Hase yeeshee, laba diblomaasi oo reer Galbeed ah ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ee badda jooga ay durba kala firdheen, isla markaana aysan hadda awoodin inay ilaalin ku filan siiyaan maraakiibta ganacsiga.
Waxay sidoo kale sheegeen in dalalka waaweyn aysan hadda ka muuqan rabitaan siyaasadeed oo xooggan oo lagu kordhinayo howlgallada militari ee lagu ilaalinayo marinnada badda.
Iran ayaa dhankeeda diiday hindise ay soo jeedisay Cumaan oo ku saabsanaa in dalalka gobolka ay si wadajir ah u maamulaan marin-biyoodka Hormuz, iyadoo maraakiibta laga qaadayo lacago ikhtiyaari ah.
Mas’uul sare oo Iranian ah ayaa sheegay in Tehran aysan aqbalin qorshahaas, taas oo wiiqday rajadii laga qabay in xal laga gaaro xaaladda xanibtay ganacsiga Gacanka muddo bilo ah.
Sacuudiga oo halis wajahaya
Haddii la xiro ama la carqaladeeyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, Sacuudi Carabiya ayaa waayi karta marin muhiim ah oo beddel u noqon kara marin-biyoodka Hormuz.
Tallaabadaas ayaa sidoo kale sii kordhin karta walaaca laga qabo shidaal yari iyo carqalad ku timaadda sahayda tamarta ee suuqyada caalamka.
Dhaqdhaqaaqa maraakiibta Badda Cas ayaan weli si buuxda uga soo kaban weerarradii ay Xuutiyiintu ka billaabeen xeebaha Yemen bishii November 2023, kuwaas oo kooxdu sheegtay inay ku taageereysay shacabka Falastiin ee dagaalka Gaza.
Weerarradii Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ayaa istaagay kaddib xabbad-joojintii Gaza ee bishii October ee sanadkii hore.
Ugu yaraan hal markab oo shidaal oo Sacuudi ah ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay lagu weeraray meel ka baxsan dekedda Jizan ee koonfurta Sacuudi Carabiya, una dhow xadka Yemen. Xuutiyiinta ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyay inay lacago ka qaadeen qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta ee isticmaala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed intii ay socdeen weerarradii badda ee sanadkii 2024, iyaga oo taa beddelkeeda u ballan-qaadayay marin nabdoon.
Warbixin uu sanadkii 2024 soo saaray guddiga khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in eedeymahaas aysan guddigu si madax-bannaan u xaqiijin karin.
Lacagaha la sheegay in Xuutiyiintu qaadi jireen ayaa lagu qiyaasay inay gaareen $180 milyan bishii, inkasta oo tiradaas aan sidoo kale si madax-bannaan loo xaqiijin.
Marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa muhiim u ah ganacsiga u dhexeeya Aasiya, Bariga Dhexe iyo Yurub. Maraakiibta isticmaasha marin-biyoodkaas ayaa celcelis ahaan 16 maalmood ku gaara Aasiya, halka leexashada jidka dheer ee ku wareegsan koonfurta Afrika ay safarka gaarsiin karto illaa 50 maalmood.

