Riyadh (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa qaar ka mid ah weerarradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Sacuudi Carabiya kasoo fulisay gudaha Ciraaq, iyada oo gacan ka heleysa kooxo hubeysan oo Ciraaqi ah oo xiriir la leh Iran, sida ay sheegeen saraakiil gobolka ka tirsan.
Qiimeyn ay sameeyeen Sacuudi Carabiya iyo qaar ka mid ah dalalka ay saaxiibada yihiin ayaa muujineysa in weerarrada loo fuliyey si wadajir ah, isla markaana ay kormeerayeen xubno ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee IRGC.
Xogtan ayaa ka duwan warbixinnada rasmiga ah ee ilaa hadda laga bixiyey weerarrada, kuwaas oo Xuutiyiintu ay mas’uuliyaddooda sheegteen, halka Sacuudi Carabiya ay si rasmi ah ugu eedeysay kooxo hubeysan oo Ciraaqi ah oo taageero ka hela Tehran. Dowladda Ciraaq ayaa dhinaceeda sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso arrinta.
Weerarrada waxaa ka mid ahaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday xarumo shidaal oo ku yaalla bariga Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay ku yaallaan qaar ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee boqortooyadu kasoo saarto, ku keydiso, kuna dhoofiso saliidda.
Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa jawaab ahaan duqeymo wadajir ah ka fuliyey goobo ku yaalla Ciraaq oo ay sheegeen inay isticmaalaan kooxo hubeysan oo Iran taageerto.
Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in duqeymaha lagu bartilmaameedsaday kooxo uu IRGC ku amray inay weeraraan ciidamada Mareykanka iyo kaabayaasha tamarta ee Sacuudi Carabiya.
Warbaahinta taageerta Iran ayaa duqeymaha kadib baahisay tacsi loo dirayo xubno ka tirsanaa IRGC, dagaalyahanno Ciraaqi ah iyo ugu yaraan hal xubin oo ka tirsanaa Xuutiyiinta, taas oo sii xoojisay tuhunka ku saabsan iskaashiga tooska ah ee kooxahaas.
Iskaashi sii xoogeysanaya
Farea al-Muslimi, oo ah cilmi-baare ka tirsan barnaamijka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee machadka Chatham House, ayaa sheegay in xiriirka kooxaha loo yaqaan “Isbahaysiga Iska-caabbinta” uu hadda gaaray heer cusub.
“Waxaa hadda jira tababar iyo isku-dubarid toos ah oo dhexmara xubnaha Isbahaysiga Iska-caabbinta, mana aha oo keliya xiriir u dhexeeya koox kasta iyo Iran,” ayuu yiri al-Muslimi.
Horumarkan ayaa muujinaya in kooxaha Iran taageerto ay awood u yeesheen inay si toos ah u wada shaqeeyaan, xilli duqeymo badan oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israel ay sanadihii dambe wiiqeen awoodda qaar ka mid ah xubnaha isbahaysigaas ee Lubnaan, Suuriya iyo Iran.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in dalka Ciraaq uu noqday xarun muhiim u ah dhaq-dhaqaaqyada kooxaha Iran taageerto, gaar ahaan kadib ridistii dowladdii Bashar al-Assad ee Suuriya iyo wiiqitaankii xooggan ee ururka Hezbollah ee Lubnaan.
Baaxadda dhulka Ciraaq, deegaannada bannaan iyo awoodda xaddidan ee dowladda dhexe ay ku leedahay qaar ka mid ah kooxaha hubeysan ayaa dalkaas ka dhigaya meel laga abaabuli karo weerarro qarsoodi ah.
Xadka u dhexeeya Ciraaq iyo Sacuudi Carabiya ayaa dhererkiisu ka badan yahay 800 oo kiiloomitir, waxaana adagtahay in si buuxda loo ilaaliyo, taas oo fududeyn karta in gantaallo ama diyaarado aan duuliye lahayn laga soo rido gudaha Ciraaq.
Saraakiil ka tirsan dalalka Khaliijka ayaa boqolaal weerar oo lagu qaaday Sacuudi Carabiya, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ku eedeeyey kooxo ka howlgala Ciraaq.
Waxaa ka mid ahaa weerar diyaarado aan duuliye lahayn lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Riyadh bishii Maarso iyo weerar bishii May lagu qaaday warshadda tamarta nukliyeerka Barakah ee Imaaraadka.
Xiriir muddo soo jiray
Iskaashiga Xuutiyiinta iyo kooxaha hubeysan ee Ciraaq ma aha mid cusub. Xuutiyiinta ayaa xiriir dhow la leh Kataa’ib Xizbullah, oo loo arko mid ka mid ah kooxaha Ciraaq ugu hubka iyo abaabulka wanaagsan.
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Cabdulmalik al-Xuuti ayaa sanadkii 2024 shaaciyey in la sameeyey qol hawlgallo oo ay wadaagaan kooxdiisa iyo kooxaha hubeysan ee Ciraaq. Dabayaaqadii isla sanadkaas ayay dhinacyadu ku dhawaaqeen hawlgalkoodii ugu horreeyey ee wadajir ah oo lagu bartilmaameedsaday Israel.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale muddo xafiisyo iyo wakiil rasmi ah ku lahaa Ciraaq. Wakiilkooda Axmed al-Sharafi ayaa kulamo la shaaciyey la yeeshay xisbiyo Shiico ah iyo hoggaamiyeyaasha kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Iran.
Boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhegga Xuutiyiinta ayaa sidoo kale muddo sannado ah lagu arkayey qaybo ka mid ah magaalada Baghdad.
Dowladda Ciraaq ayaa marar badan ballanqaadday inay baari doonto eedeymaha sheegaya in dalalka Carabta laga soo weeraro dhulkeeda, balse dadka dhaliila ayaa sheegaya in Baghdad aysan weli muujin awood ay ku xakameyn karto kooxaha hubeysan.
Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Cali al-Zaidi ayaa baajiyey booqasho uu Khamiistii ku tagi lahaa Sacuudi Carabiya, halkaas oo lagu waday inuu kula kulmo dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed bin Salmaan. Go’aanka ayaa yimid kadib duqeymaha Sacuudiga iyo Mareykanka ay ka fuliyeen gudaha Ciraaq.
Al-Zaidi ayaa horay u soo bandhigay qorshe uu doonayo in dhammaan hubka dalka lagu hoos geeyo maamulka dowladda dhammaadka bisha September, hase yeeshee qorshahaas ayaa wajahaya diidmo kaga imaaneysa qaar ka mid ah kooxaha hubeysan ee awoodda badan.
Xiisaddan cusub ayaa sare u qaadeysa halista ah in dagaallada gobolka ay yeeshaan furimo cusub, iyadoo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo xarumaha shidaalka iyo marinada ganacsiga ay saameyn ku yeelan karaan dhoofinta tamarta iyo dhaqaalaha caalamka.

