Yariisow oo billaabay ka hadalka arrinta Xamar ee uu xilka ku waayey Taabit

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku dhawaaqay arin uu xilka ku waayay guddoomiyihii ka horeeyay Taabid Cabdi Maxamed.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in sanadkaan uu wado qorshihii shacabka Muqdisho ay ku heli lahaayeen Matalaad siyaasadeed oo ay ku yeeshaan dowladda Dhexe.

Wuxuu sheegay in sanadkaan cusub ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii shacabka Muqdisho ay ku heli lahaayeen matalaada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waana arintii uu xilka ku waayay guddoomiye Taabid, kadib markuuu olole u galay maqaamka Muqdisho.

“Sanadkaan wuxuu noqon doonaa Sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda aayahooda uga tashan lahaayeen, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka aan u istaagno, islamarkaana aan ka dhabeyno inay matalaada ka helaan golaha shacabka iyo aqalka sare”.

“Taasi waxaan ku heli doonaa wadajirkeena, iyo inaan dulqaadkii badnaa ee aan sameynay u helno, oo aan ka dhabeyno dadaalkeena oo wadajira, waa inaan mar walbaa ummadda Soomaaliyeed u horseednaa inaan Hormuud u nahay”ayuu yiri Yariisow.

Eng Yariisow ayaa hadalkaan ka jeediyay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, laakiin guddoomiyaha ma uusan sheegin wadada uu umari doono ka dhabeynta balanqaadkaasi oo guddoomiyihii ka horeeyay uu ku baxay.

Waxaana Su’aasha taagana ay tahay muddo uu xilka hayo kadib miyuu ku guuleysan doonaa ka dhabeynta qorshahan mase xilka ayuu ku weyn doonaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com